Sh. Cutmaan Macalin oo ka jawaabo su,aalo Diiniya oo ah “Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?”

Bariisle: Monday 11 January 2010 Sh. Cutmaan Macalin oo ka jawaabo su,aalo Diini ah

Su,aal “Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?

Jawaab:

Alxamdulillaahi Rabbilcaalamiin.

Arrintaa laba dhinac baa laga fiirinayaa:

-Dhinaca hore ma bannaana in diin laga dhigto waxaan ahayn diintii islaamka ee Nabi Muxammad lugu soo dejiyay, aakhirana qofka wax kaloo laga aqbalaayaahi ma jiraan oo aan islaamka ka ahayn, qofkaan islaamka soo raacinna waa ahlunaar.

-Dhinaca kale haddii dawladda islaamku ay xoog leedahay oo ay gaalada la jihaaddo saddex arrimood bay u soo bandhigeysaa dadka inay soo islaamaan hadday diidaanna jizya dhiiba la yiraa haddii ay diidaanna lala dagaallamo.

Haddii la tabar daran yahay waxaa noo furan inaan xaqa ugu yeerno si xikmadi ku jirto haddii dood loo baahdana si wanaagsan loola doodo.

Marxaladdan danbe Allaah dartiis baan u neceb nahay gaalada laakiin haddaannaan tabar lahayn isku taagi mayno, haddaaney waddammadeenna nagu soo gardarreysan.

Haddii aad I weydiiso maxaa u daliila nacaybka aad sheegeyso maadaama aanay diin ahaan noola dagaalsanayn.

Waxay jawaabtu noqonaysaa: Allaah wuxuu yiri:

(Heli maysid qolo Allaah iyo maalinta qiyaama rumeysan oo haddana jecel kuwa Alla iyo Rasuul la collaytamay aabbayaalkood ba ha ahaadeene) aayadda dhammaystir, [Suuratul Mujaadalah:22]

Rasuulkeennuna wuxuu yiri:( Guntimaha iimaanka waxaa ugu adag in Alle dartii wax loo jeclaado Alla dartiina wax loo noco) Waana xadiith ay xadiithya kale xoojinayaan oo sidaas xasan ku ah, waxaa weriyay Imaam Axmad iyo Qeyrkiiba.

Haddii xorriyadda laga wado inay waddammada islaamka diintooda baadilka ah ka faafiyaan taa looma oggola xaqna uma lahan, xorriyadna ma ahane waa xadgudub lugu xadgudbayo xaqa ay muslimku u leeyihiin inay Rabbigood caabudaan oo aan diintooda laga fitmeyn

Dr.Osman Macalin

Related posts:

  1. Diinta Islam-ku Maxay ka Qabtaa In Afka La soo Duubto Sida Al-shabaab oo kale? Dr.Osman Macalin
  2. Qaadka & Sigaarka Shareecada Diinta Islamku Maxay ka Qabtaa?{Sh.Abdikariim Hassan Hoosh}
  3. Bariisle Meida wuxuu idiin soo Bandhigayaa Su,aalo & Jawaabo Sheikh{ Abdikareem Hassan Hoosh } Xafadahulaah Dhageysi wanaagsan
  4. Faarax Macalin: Kenya ma damacsna inay la wareegto dekadda Kismaayo
  5. Ma kuwayaga ayaan la Doodaada Mise Dadka kale ayaan iska Celiyaa!!Afhayeenka Beelaha Gabooye ee Europe iyo W/America

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=363

Posted by on Jan 11 2010 Filed under ISLAM. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Sh. Cutmaan Macalin oo ka jawaabo su,aalo Diiniya oo ah “Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?””

  1. Jodi Candelario

    sheit, im or her waiting relating to that smoothmothefuckaa 1! bwaha, ^ _________ ^

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com