Baaq Nabadeed oo ku wajahan Golaha Gurtidad.Suldan Daakir Hassan Khaliif.
Bariisle:Monday 18 January 2010(Burco)Dhamaan waxaanu faraynaa galaha shuyuukhda in ay tixgaliyaan nabad galyada ay in badan ka soo shaqaynayeen iyo sumcaday ka haysaan dalka oo ah mid si wayn looga tixgaliyo waayo wax badan ayaad ka soo shaqayseen xaalada nabadeed iyo horemarba hadaba hanoqonina kuwii dalka dhisayay hadana duminayay waxayu ka soo baxnay khilaaf aad iyo aad u xumaa oo u dhexeeyay xukumada iyo axsaabta waxaynu sugaynay in la galo doorashooyin udhaca si nabad galyo ah nasiib daro.
Odayaashii la rabay in ay ka shaqeeyaan wax kastoo suura galinaaya in la helo doorasho xalaala ayaaba hormood u ah burbur kale xaalka dajiya isku talaasula galaha sidiisii hore ha haloo daayo hala daneeyo shacabka halaga fogaado wax kastoo keeni kara qaran jab iyo burbur horle waxaad tihiin iyo waxaad ku jirtaan waa kaaf iyo kale dheeri.
Waxaan leeyahay xukumada ka daaya doco dococaynta golaha gurtida oo ka shaqeeya sida ugu wacan ee xalku iman karo waxaan filayaa in wali rajo ku jirto ah dibu kordhin xilka m/wayne daahir waxaan leeyahay iimaan sada doorashada oo ka daaya dalka iyo dadkaba marba dhinac ka soo wareega larabo si mar kale loo kordhiyo ama ay dib u dhacdo doorashadu taladaydu waa mudane m/wayne dalka cid kaa saraysaa ma jirto in tii ilaahay kuugu talagalayna waad soo xukuntay si sharafle uga shaqee siday ku dhici lahayd doorasho xalaala oo ku qabsoonta wakhtigii loogu talagalay sugna nasiibkaaga gurtida iyo meelkale toona waxay keenaan waa khalkhal iyo dib u dhac iyo is qabsi horleh markaa dalkeenu waa nabad ilaahay baana ina siiyay waxaana ka shaqeeyay shacabkeena iyo dawladeena markaa aynu si fiican ku maalno oo siiba dawladu hala timaado waxkastoo suura galinaaya inay ku qabsoomaan nabad galyo iyon waxtigeedii
Suldan Daakir Hassan Kaliif
daakir100@hotmail.com
Related posts:
- BAAQ CAMBAREYN DHACDADII FOOSHA XUMAYD EE KA DHACDAY CAAYNABO{Suldan Mohamed Suldan Abdi Isamacil}
- Golaha xildhibaanada Afrika oo dalbaday in Ciidamo dheeraada loo soo diro Soomaaliya.
- Halyeyga Sanadka Mudan”SULDAAN DAAKIR XASAN KHALIIF”Geesiga Umadiisa Guusha U Horseeda Geeridaa Dishaa Geedka Haboon.
- Suldan Daakir oo Wareysi Gaara Siiyey Somalichanel TV Daawo
- Suldaan Daakir oo Baaq u diray Madaxweynaha iyo qurbajooga Beelaha Gabooye Codsadayna In Beelaha Gaboye Deegaan loo sameeyo.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=423













