Qarax xoogan oo Caawa ka dhacay xarunta ugu weyn ee Ciidmada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Bariisle:Monday 25 january 2010(Muqdisho)

Qarax xoogan ayaa Caawa waxa uu ka dhacay xarunta ugu weyn ee Ciidmada AMISOM ay ka degenyihiin magaalada Muqdisho iyadoona qaraxaasi uu sababay qasaarooyin kala duwan.

Qaraxani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay Caawa xarunta Xalane oo ah Fariisinka ugu weyn Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa oo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa waxa uu ka dhacay xarun dadka lagu daawo oo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin xarunta Xalane oo ah fariisinka ugu weyn Ciidamada AMISOM.

 Afhayeenka Ciidmada AMISOM Bariijiye Buhuuku oo Shabelle la xiriitay ayaa qiray in uu qaraxaasi jiro isagoona sheegay in uusan ogeyn waxa uu ka dhashay balse ay baaritaano ku hayaan waxyaabaha dhaliyay qaraxa iyo cidii ka dambeysay.

 Waxa uu intaasi ku daray in qaraxa uu sababay qasaaro soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika iyo dad kale oo Soomaali ah inkastoo tiradoodu uusan shaacin.

 Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii uu Ilaah inoo saamaxo.

Related posts:

  1. Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta lagu weeraray Fariisin Cusub oo AMISOM ay ku leeyihiin degmada Shangaani iyo Xarakada Al Shabaab oo sheegtay.
  2. Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
  3. Midowga Afrika oo codsaday in lacaawiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
  4. Banaanbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
  5. Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo caawa si xun loogu dhaawacay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=475

Posted by on Jan 25 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com