Sidee Lagu Baabi’in Karaa Takoorka iyo Quudhsiga Lagu Hayo Beelaha La Hayb-sooco?

Waa maqaal si xidhiidh ah ugu soo baxa wargayska Jamhuuriya oo ku saabsan xaquuqda ula sinaanta iyo ka qaybgalka horumarka iyo siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco, waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka beelaha la hayb sooco  ee VOSOMWO waxaana maalgelinta ka taageeray  NED.

 

Bariisle:Thursday 28 January 2010(Hargeisa)Ururka Codka haweenka dadka Laga tirada badan yahay Voice of Somaliland Minority Women . VOSOMWO waa Urur wadani ah oo ay asaaseen haween u kacay si ay ugu adeegaan hurumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay waxaa uu higsanayaa In dadka la hayb soocaa gaadhaan maalin sharaftooda la dhaawacay ay buuxiso qadarin iyo sinaan dhinac walba ah ay ula sinaadaan bulsho waynta Somaliland ee ay ka mid ka yihiin oo ay ula wadaagaan dimoqraadiyadda horumarka iyo xuquuqda guud ahaaneed si loo wada siman yahay. Iyadoo laga duulaayo diinteenna wanaagsan ee islaamka ahi sida ay ina farayso ee xuquuuqda iyo sinaanta dadka muslimka ah,Sidoo kale distoorka qaranka iyo xeerarka kale ee dalka ee la jaan qaadaya Xeerarka caalamaiga ah iyo kuwa gololeed ee xuquuqda aadamaha iyo dimoqraadiyadda. Waxaa fure u ah taageerada siyaasadda iyo hogaamiyayaasha qaranka, taageerada xukuumadda iyo golayasha sharci dejinta, maamulada gobolada iyo degmooyinkam culimada diinta, hogaan dhaqameedka. Haddii la helo is bedel dhaqanka guracan ee dhamaan shacabka ka soo jeeda qabaailka tirada badan ee tacadigu ka yimaaddo iyo sidoo kale kuwa beelaha la hayb sooco. Guud ahaan in bushada ka soo jeedda qabaailka tirada badan iyo hogaanka dalka oo dhan ay si balaadhan u fahmaan  dhibta jirta, meesha ay ku sal leedahay, isla markaas baaxadda dhibaatada ka dhalanaysa iyo saamaynta ay ku leedahay maaha nolosha dadka la hayb sooco oo keliya balse horumaka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalkeena guud ahaan.

Marka aad eegto, kaalmaha hooseeya ee ay beelaha gabooye kaga jiraan nolosha mujtamaca somaliland hadii aan tusaale u soo qaadanno dhinaca maaulka, hogaanka siyaasada, dhaqaalaha, waxsoosaarka iyo aqoontaba. Sida runta ah takoorka ama quudhsiga qabaailka la haybsooco lahu  hayaa Innaga oo og inay tahay hawl adag in somalida laga fur-furo takoorka iyo quudhsiga,  Haddana !!!  hadii la helo iskaashiga dadka wax garadka ah ee fahmsan dhibaatada ay caadadaas foosha xun ku hayso mujtamaca ku nool dalkan Somaliland. Taageero iyo dhawaaq xoogan oo xagga Culumada diinta ah, oo ay culimadu raacaan diinta dadkana raaciyaan oo  aanay caado raac noqon sida dadka caamada ah, – Su aasha culimada diinta hortaallaa waxa ay tahay – culimadu ma waxa ay aaminsan tahay in dhaqanka diinta la waafajiyo mise in diinta dhaqanka la waafajiyo?

Arrintan wax ka qabashadeedu waxay u baahantahay xal aan ku soo bood iyo caaddifad ahayn oo si qorshaysan looga baaraan dego oo leh istriraatiyada waqti dheer leh oo laga wada qayb qaato heerarka kala duwan ee Bulshada, gobol ilaa heer qaran. Xalku wuxuu ka imaan karaa laba dhinac: 1) dhinaca uu quudhsigu ama takoorku ku dhaco iyo dhanaca uu quursigu ka yimaado, labada dhinacba dadkooda wax garadka ah. Waxaa nasiib darro ah in beelaha muddada dheer dulmanaa uu dulmigii ku yeeshay raad aad u xun, iyadoo laga yaabo inay naftooda yasaan intaan dad kaleba la gaadhin, sidaa darteed dadkkaasi waa inay fahmaan in quursigu yahay waxaan caqliga iyo diintuba aqbali karin,  Dadka la hayb soocaa ha ogaadeen in quudhsigu yahay imtixaan hadii ay ku samraanna ay ajarkiisa heli doonaan, sidaa darteed waa inaysan is-niyad jebin, hadii ay dhulka is dhigaan ha ogaadeen inay adkaan doonto in la baabi’iyo caadadaas xun. “Qofkii naftiisa sharfa ayaa sharfan”  Tusaale ahaan, Takoorka yasidda ku dhisantahay ee loo hayo dadkaas, sida takoorka dhinaca guurka oo ah midka ugu adag. Hadaba, In si caam ah loo garawsan yahay xuquuqda dadka la hayb-sooco iyo inay xaq u leeyihiin inay si kasta ula siman yihiin muwadiniinta kale waa bilawga xalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in heerka xuquuqda dadka la hayb sooco ee Somaliland ku nooli ay la jaanqaaaddo geedi socodka horumarka iyo daryeelka xuquuqda muwaadininta guud ahaan. Dadyawga laga tirada badan yahay / la hayb sooco ee dalkan Somaliland ku nooli waxay xaq u leeyihiin sinaan xagga xuquuqda iyo fursadaha horumarka nolosha saameeya in ay helaan. Waan soo dhawnaynaa waan uga mahadnaqaynaa abwaanda ay ka midka yihiin Abdwaan Yuusuf shaacir – oo tiriyay gabayga qiimaha badan ee Dhibanaha la quudhsaday iyo Abwaanka Hadraawi – Dhulgariir, kuwaas oo suugaanta ugu hiilayay dadka la hayb sooco, cid kast oo ka qayb qaadanaysa Doodaha iyo falanqaynta sidii mushkiladdaas xal loogu heli lahaa waa inoo furan tahay

Waan soo dhawnaynaa waan uga mahadnaqaynaa abwaanda ay ka midka yihiin Abdwaan Yuusuf shaacir – oo tiriyay gabayga qiimaha badan ee Dhibanaha la quudhsaday iyo Abwaanka Hadraawi – Dhulgariir, kuwaas oo suugaanta ugu hiilayay dadka la hayb sooco, Kast oo ka qayb qaadanaysa Doodaha iyo falanqaynta sidii mushkiladdaas xal loogu heli lahaa waa inoo furan tahay.

Mahad celin,

Gudoomiyah ururka VOSOMWO Org.

Nimco Iid Salaan

Hargeisa, Somaliland

Related posts:

  1. Xuquuqda ka qayb galka Siyaasada ee beelaha la hayb sooco Waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka VOSOMWO
  2. Beelaha la Hayb-soocaa Xaq Bay u Leeyihiin ka Qaybgalka Siyaasadda iyo Hoggaanka Dalka
  3. Kulan Lagaga Hadlayey Dadka La Hayb-sooco sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka bulshadooda iyo Guddi Isugu Jirta Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedyo Oo kulankaas lagu Abuuray
  4. Hambalyo Madaxweynaha Somaliland iyo talo soo jeedin ku socota Guddiga ka soo tala bixinta ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka iyo dadka la hayb sooco
  5. Beelaha La Heyb-sooco Ee Gabooye ,Maxaa Xilalka Wasiirada Somaliland Looga Soocay?By Cabdirashiid Shaam

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=535

Posted by on Jan 28 2010 Filed under AR.BULSHADA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com