Dowladaha Ethiopia iyo Denmarka oo ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya.

Bariisle:Firday 29 January 2010(Addis ababa)

Ra’isul wasaaraha Ethiopia iyo xoghayaha arimaha dibadda  ee wadanka Denmark oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xaaladaha wadanka Soomaaliya.

Labada Mas’uul waa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi iyo xoghayaha arimaha dibadda wadanka Denmark oo lagu magacaabo Michael Zilmer-Johns ayaa waxa ay ka wada doodeen arimo kala duwan oo la xiriira Ethiopia, Soomaaliya, Sudan, arimaha caalamiga ah iyo guud ahaan qaarada Afrika.

 Xoghayaha arimaha dibadda ee wadanka Denmarka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka hortagtay Qatar ka soo socotay wadanka Soomaaliya taasoo uu tilmaaamay in ay halis gilin laheyd qaarada Afrika iyo waliba dalalka Yurub.

 Mar uu ka hadlayay doorashooyinka dalkiisa aya waxa uu sheegay Melez Zenawi in dowladiisa ay ka go’antahay in ay gacan ka geysato qabashada doorashooyin xor, Xaq iyo xalaal.

 Ugu dambeyntii Ra’isul wasaare Zenawi ayaa ugu mahad celiyay Mas’uulkaasi ka socda wadanka Denmarka booqashada uu ku yimid dalkiisa, waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan sidii nabad loogu soo celin lahaa Geeska Afrika.

Related posts:

  1. Dowladaha Iran iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xaaladaha murugsan ee xiligan ka jira gudaha wadanka Soomaaliya.
  2. Dowladda Kenya oo sheegtay in rabshadaha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin xaaladaha amaanka ee wadanka Kenya.
  3. Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi iyo madaxweynaha oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
  4. Dowladda Turkiga oo qorsheynaysa Marti galinta shir Caalami ah oo looga doodayo Xaalada siyasaadeed iyo falalka kooxaha burcad badeednimada Soomaaliya.
  5. Madaxweynayaasha Somalia iyo Masar oo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=556

Posted by on Jan 29 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com