Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG oo dowladda KMG ku eedeeyay in sandkii la soo dhaafay aysan wax ka qaban Xaaladda dalka Soomaaliya.
Bariisle:Saturday 30 January 2010(Muqdisho)
Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya oo kulan Maanta ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda KMG in sanadkii tagay aysan Waxba ka qaban Xaaladda Soomaaliya.
In ka badan 30 xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhaliileen waxqabadkii dowladda KMG ee sanadkii la soo dhaafay.
Qaar ka mid ah mudanayaasha Barlamanka oo goobta ka hadlay ayaa waxaa ay ku eedeeyeen dowladda KMG in ay ku fashilantay waxqabadakeedii mudada sanadka ahaa iyagoo sheegay in haatan xaafado yar ay gacanta ku heyso dowladda KMG ee Soomaaliya.
Xildhibaan Macalin Jiis oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka oo kulankii mudanayaaha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Cusub ay dhalatay kadib markii la isku biiriyay xubnihii hore ee Barlamanka iyo xubno cusub oo ka mid ahaa isbahaysigii dib u xoreynta Soomaaliya taasoo uu sheegay in looga danlahaa in hal meel ay ka soo wada jeestaan waxaana uu xusay Xildhibaan Macalin Jiis in Masuuliyiinta dowladda ay ka bixiwaayeen xil qaadis ay ku samaynayaan Masuuliyiinta kale ee dowladda KMG sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Dhaqane Cilmi Aar oo ka mid ahaa mudanayaashii kulanka ka hadlay ayaa si kulul u dhaleeceeyay Xukuumadda KMG ee Soomaaliya,waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Xildhibaan Cali Max’uud Cabdi waxaana uu sheegay in dowladda KMG ay ka bixi weysay Musuqmaasuq sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka xildhibaanada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Maalintii shalay uu dabaal dagay sanad guuradii markii loo caleemo saaray xilka madaxtinimada ee wadanka Soomaaliya waxaana Madaxweynaha dowladda KMG uu sheegay in dowladda hadda ay u diyaar garowday sidii ay dhawaan dalka ula wareegi laheyd.
Related posts:
- Munadayaal ka tirsan Barlamanka KMG oo ku eedeeyay AMISOM in aysan masuuliyad iska saarin amaanka xildhibaanada ku sugan Magaalada Muqdisho.
- Dowladda Erirea oo sheegtay in dowladda KMG ee Soomaaliya aysan ka duwaneyn dowladihii aysan aqoonsan ee soo maray dalka Soomaaliya.
- Mudanayaasha Barlamanka ee ka soo horjeeda gudoonka Barlamanka oo maanta magacaabay gudi soo magacaabo gudoon cusub.
- Gudoonka Barlamanka oo ugu baaqay mudanayaasha Barlamanka in ay joojiyaan kulamada gooni goonida ah ee ay ku yeelanayaan Muqdisho.
- Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan madoobe oo sheegay in Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay soo faragaliyeen Khilaafkii Barlamanka.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=560












