Dowladda Kenya oo sheegtay in rabshadaha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin xaaladaha amaanka ee wadanka Kenya.

Bariisle: Sunday 31 January 2010(Addis ababa)

Madaxweynaha wadanka Kenya ayaa  sheegtay in rashadaha  iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin xaaladdaha amaank ee wadanka Kenya.

Madaxweynha wadanka Kenya Mwai Kibaki oo haatan ku sugan Magaalada Addis Abba ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa sheegay in dhibaatooyinka isugu  jira dagaalada iyo abaaraha ka jira gudaha wadanka Soomaaliya ay Qatar ku hayaan wadanka Kenya ee uu isaga  madaxweynaha ka yahay.

 Hadlkaasi ayuu ka sheegay madaxweynaha wadanka Kenya xilli uu kulan la qaadanay xoghaya guud ee QM  Mr. Ban Ki Moon kaasoo haatan ku sugan Magaalada Addis Ababa halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedkii ururka midowga Afrika.

 Mwai Kibaki madax weynaha wadanka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in qul qulka qaxootiga Soomaalida ee gaaraya wadanka Kenya islamarkaana ka soo cararaya dhibaatooyinka ka taagan gudaha wadanka Soomaaliya ay dhibaatooyin dhinaca amaanka ah ka geysan karaan wadanka Kenya isagoona farta ku goday in aanay awoodin wax ka qabashada xaalada bini’aadanimo ee ka jirta xerooyinka qaxootiga ee ku yaala gudaha  wadanka Kenya halkaasoo la sheegay in ay ku suganyihiin kumanaan qof oo qaxooti Soomaali ah.

 Dhankiisa Mr. Bankii Moon xoghaya guud ee QM ayaa balan qaaday in QM ay taageereyso gacan ka geysashada amaanka iyo nabad ku soo celinta wadanka Soomaaliya.

 Kulankaasi ay yeesheen xoghayaha guud ee QM iyo madax weynaha wadanka Kenya ayaa waxa ka qeyb galay safiirka Kenya u fadhiya dalka Ethiopia wasiirka arimaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

 Hadalkani ka soo yeeray dowladda Kenya ayaa imaanaya xilli dagaalo ay wali ka socdaan gudaha wadanka Soomaaliya  kaasoo keenay in ay dad fara badan u barakacaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya Ehtiopia ,Yemen iyo dalal kale.

Related posts:

  1. QM oo sheegtay inay dagaalada Somaliya ay qatar ku yihiin geeska Afrik
  2. Dowladaha Iran iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xaaladaha murugsan ee xiligan ka jira gudaha wadanka Soomaaliya.
  3. QM oo sheegtay in Shabaab iyo Xisbul Islaam ay Qatar ku yihiin amaanka gobolka.
  4. Ciidamada amaanka xeebaha Yemen oo maanta sheegay in dalkaasi ay gaareen Ku dhawaad boqol qof oo ka cararay dagaalada ka jira dalka Soomaaliya.
  5. Wasaarada gaashaandhiga ee dowladda Wadanka Kenya oo beenisay in Ciidamo Soomaaliyeed lagu tababarayo gudaha wadanka Kenya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=563

Posted by on Jan 31 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com