Madaafiic sababtay Dhimasho iyo dhaawac oo gabaldhicii maanta lagu garaacay xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Bariisle:Sunday 31 January2010(Muqdisho)
Duqeymo aad u culus ayaa Maqribnimadii Caawa waxaa loo geystay xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir iyadoona duqeyntaasi ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Madaafiicdan oo aad u xooganaa ayaa mar kaliya gabaldhicii maanta waxaa lagu garaacay xaafadaha Buulo bareey, Ceelturcaaye iyo xaafada Godey oo dhamaantood katirsan xaafadaha hoostaga degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Madaafiicdan ayaa waxaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayeen ku dhawaad 20-Madfac waxaana dhamaantood ay ku dhaceen xaafadaha kala duwan ee Suuqa Xoolaha, iyadoo la sheegay in ay ku dhaceen goobo ay degenaayeen dad rayid ah.
Inta la xaqiijiya waxaa Madaafiicdaasi ku geeryooday ilaa 5-ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 14-kale kuwaasi oo dhamaantood ay Madaafiicdu kula dul habsatay xaafadahooda.
Dadka ku dhaawacmay Madaafiicdaasi ayaa waxaa la sheegay in ay isugu jireen Rag, Haween iyo waliba Caruur aad u yaryar, waxaana markiiba goobta gaaray gawaarida qaada dadka ku dhaawacma dagaalada iyo duqeymaha ka jira magaalada Muqdisho ee Ambalaasta loo yaqaano.
Si kastaba ha ahaatee Madaafiicdan gabaldhicii maanta lagu garaacay xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli magaalada aysan ka dhicin wax dagaalo ah iyadoona aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee ka dameeya Madaafiicdaasi.
Related posts:
- Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo galabta lagu garaacay Xaafado ka mid ah degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
- Duqeyn Madaafiic ah oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah oo maanta ku dhacday Xaafado kuyaal degmada Howlwadag ee gobolka Banadir.
- Madaafiic dhimasho sababtay oo maanta ku dhacday Xaafado ka mid ah Muqdisho.
- Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo galabta la isku weydaarsaday Xaafado ka mid ah Magaalada Mqudisho.
- Dagaalo iyo duqeymo culus oo galabta mar kale ka dhacay xaafado katirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=571












