Dowladda Erirea oo sheegtay in dowladda KMG ee Soomaaliya aysan ka duwaneyn dowladihii aysan aqoonsan ee soo maray dalka Soomaaliya.
Bariisle:Tuesday 09 February 2010(Niarobi)Safaarada dowladda Erirea ee Nairobi ayaa sheegtay in dowladda KMG ee Soomaaliya aysan ka duwaneyn dowladihii ka horeeyay oo ay tilmaamtay in siyaad ahaan aysan aqoonsaneyn Eritrea.
Safiirka dowladda Eritrea ee dalka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay Maanta Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed aysan waxba ka duwaneyn dowladihii ka horeeyay oo uu sheegay inaysan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Salaax Cumar oo ah safiirka Eritrea u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Eritrea aysan aqoonsaneyn dowladihii C/qaasim Salaad Xasan iyo C/laahi Yuusuf Axmed isagoo intaasi ku daray in dowladda Sheekh Shariifna aysan waxba ka badalneyn dowladahaasi maadaama sida uu sheegay lagu soo dhisay Meel ka baxsan Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dowladahaasi ay ahaayeen kuwa aan ka turjumayen danaha umada Soomaaliyeed isagoo intaasi ku daray in Eritrea ay taageersantahay dowlada Soomaaliyeed oo laga dhex dhiso gudaha wadanka Soomaaliya.
Safiirka Eritrea u fadhiya dalka Kenya ayaa dhinaca kale waxaa uu ka hadlay Cuanaqabateyntii dhawaan la saaray dowladda Eritrea isagoo sheegay in cunaqabateyntaasi ay tahay mid xaqdaro ah oo ay ka dambeeyeen dowladda Maraykanka iyo Midowga Africa gaar ahaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Burundi iyo Uganda.
Waxaa uu ka hadlay xariirka ka dhaxeeya dhinacyada ka dagaalama Soomaaliya iyo Eritrea isagoo meesha ka saaray in Eritrea ay xariir la leedahay dhinacyada ka dagaalamaya Soomaaliya gaar ahaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana uu warar been ah ku tilmaamay hadalada sheegaya in ay hub siiyaan Mucaaradka dowladda KMG ee Soomaaliya.
Salaax Cumar ayaa Saxafiyiinta waxaa ay weydiiyeen su’aalo la xariira Markii Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh shariif iyo Xubnaha kale ee isbahaysiga dib u xoreynta ay ku suganaayeen dalka Eritrea waxyaabaha ay ka aaminsaneyd dowladda Eritrea waxaana uu sheegay in Masuuliyiintaasi markii hore Magaalada Asmara ay ku ahaayeen dad qaxooti ah markii danbana ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka Soomaaliya.
Related posts:
- Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG oo dowladda KMG ku eedeeyay in sandkii la soo dhaafay aysan wax ka qaban Xaaladda dalka Soomaaliya.
- Dowladda Kenya oo sheegtay in rabshadaha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin xaaladaha amaanka ee wadanka Kenya.
- Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya oo sheegtay in ay ku guuleysatay sii deynta inta badan dadkii maalmihii la soo dhaafay ay xireen ciidamada dalka Kenya.
- Mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya oo sheegay in dhaqaalo la’aan awgeed ay ugu soo laaban la’yihiin dalka Soomaaliya.
- Dowlada Botswana oo sheegtay in aysan ciidamo u soo direyn Soomaaliya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=607












