Basaasku isaga oo Bawdeyn ku jira ayuu Ismoodayaa inuu Soo badbaaday uu bariga Soo gaadhay?G.Rashiid Abdullaahi Gaas
Bariisle:Tuesday 16 February 2010(Sweden )Haddii aan wax yar ka idhaahdo Dhagixii la soo tuuray Kamaal Lugey(Gaal is Mood)waxaan filayey inay cid kale soo jawaabto oo ah dhinaca aanu is heyno waxay se u soo jawaabi waayeen qolada kale waxa ay ogyihiin xaqdarada meesha ka jirta sidaa daraadeed way ka xishoodeen inay wax uun ka idhaahdaan xadhigii loo geystay Nimaan Aaden Cismaan Dhabar iyo Qoyskiisii inay yidhaahdaa xadhigaasi la xidhay waa xaq.
Haddii aan tixraaco Gaal is moodoow hadalkaagii waxaad tidhi Dowaladii Siyaar bare waxba kumeynaan laheyn su,aashu waxay tahay aad wax ka sheegtid Dowladii siyaad baree markii ay Dowladii Siyaad bare jirtay da,daadu intey aheyd ma filaayo inaad nooleyd haddii se wixii laguu sheegay aad maqashay aan ku saxee ma ogtahay inaan afar wasaaradood ku laheyn iyo madaxweynu ku xigeen saraakiishuna tiro mey laheyn waxaad sheegtay inaan baarlamaanka somaliland ku jirno waxaad noo sheegtaa magaca qudha ee ku jira baarlamaanka somaliland ee ka kooban 82 xubnood
Qofka wanaagsani uu ku farxaa wixii dadkooda u soo kordha laakiin wax lala yaaba maaha qof caanbaareynaya website-ka xorta ah ee www.gabooyenews.com somalidu waxay ku maahmaahda Doqontu waxay leedahay 12 Indhood 11 waxay ku eegtaa sokeeyaheeda midna waxay ku eegtaa shisheeyaha.
Hadaladaadii waxaa ka mid ahaa Gaal ismoodaw in la fahmo Qawaaniinta saxaafada u taala aan su,aal ku weydiiyee Aqoonta aad u leedahay saxaafada intey leegtahay horumarka se aad ka gaadhay ma war la soo qaado iyo mid la sii wadaa waxaan ku xasuusinayaa inuu Alle quraankisa ku yidhi Ha Isbasaasina.waxaad nagu eedeysay inaanu wax ka sheego somaliland laakiin waxaad ilawday inay shaqaaduba tahay babaasnimo iyo sidii dadka loo kala dili lahaa sababtoo ah waxaa khaladka keenaya markaanu ka hadalno wixii dhiba ee jira in aad adigu ka taajiro waxaan meesha ku jirin adiga oo uga faa,iideysanaya sidaad jeceshahay inaad hadalka u dhigto adiga oo isku tusaya shacabka somaliland inaad u dagaalamayso ama ada difaaceyso somaliland laakiin nin dulmi sameynaya oo daacadnimo aanay ku jirin ma la odhan karaa wuxuu ka shaqeynayaa danta dadkiisa iyo ta dalkiisa su,aasha waxaan u deynayaa xaq udododayaasha .
Dadka magaca ku qadhaabsada ee aad sheegtay Gaal is moodaw nin baahini meelna kama beydho Alxadullihaa ma bahnin waanu Asturana ninka baahan baa laga yaabaa iney baahidu ku kalifto inuu sameeyo waxaan Ilaahay iyo umadiisiba aaynay raali ka aheyn aakhirna cadaba aduunkana cidhib la,aana.
Takale ee aad leedahay haddii aad tihiin jaaliyadii dibada waxba soomeydun qaban ma waxaad dooneysa inaan dadkoo dhan u sheegno wiixi aanu qabanay miyaanad ogeyn iney ugu khayr badantahay sadaqada la qariayaa mise haddii aanay adiga waxba kuula socon sadaqo uma taqaanid miyaa
Waxaan kuu sheegayaa nin ka tirsanaa ururka xamaas oo lagu dilay maalin dhaweytoole magaalada Dubai in la qabtay laba nin oo falastiiniyiina oo ka danbeeyey qorshihii lagu dilay walaalkood lana soo qabtay iyaga oo baxsada.
Gudoomiya ha Qurba Joogta Gabooyaha Somaliland
Mudane,Rashiid Abdullaahi Gaas(Haajiga) Sweden
Related posts:
- Dhalasho Farxad leh{Abdullahi Rashiid Abdullahi Gaas}
- CUMAR C/RASHIID: “Madaxweyne Sheekh Shariif awood uma lahan inuu kala diro Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ridi kara oo keliya Baarlamaanka”
- Guddida Doorashooyinka Somaliland oo qoraal shuruudo ah u gudbiyay Xisbiyada iyo Qalabkii Doorashada qaarkood oo dalka soo gaadhay
- Yaan Codadkeenu Noqon hal bacaad lagu lisay{Gudoomiyaha Qurba Joogta Muse Dhariye Mudane:Rashid Abdullaah Gaas
- TACSI:Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajucuun Marxuum{Rashiid Abdi Hussein}
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=667























walaalayaal gabooye waxaa lajoogaah watigaad wax iska celin laheydeen oo cadkiina meel laska dhigi lahaah oo dhulgaara ah lahaansaah waxaa ladoonayaah jahaad inaa qaadaan aniteena hadii culumada la weediiyo waxay naqoneysaah JAHAAD DHAb ah