Gudoonka barlamanka KMG oo sheegay in dhamaadka bishaan ay dib u bilaabmayaan fashiyadii Barlamanka KMG uu ku qaadanayay Muqdisho.

Bariisle:Thursday 18 February(Muqdisho)Gudoomiyaha barlamanka KMG Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dhamaadka bishaan ay dib u bilaabmayaan fashiyadii Barlamanka KMG uu ku qaadanayay Magaalada Muqdisho.

Kulan ay maanta Magaalada Muqdisho isugu yimaadeen gudiyada Barlamanka KMG ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Afhayeenka Barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe ayaa waxaa isugu yimid gudiyada Barlamanka ee Dhaqaalaha, Difaaca, Maaliyada, ganacsiga, gaadiidka badda iyo dekdaha.

 Wadahadal dheer oo ay yeesheen gudiyadaasi oo ka koobnaa ilaa 20 xubnood ayaa waxaa saxaafada oo markii hore dibad joog ka aheeyd kulanka markii dambe la hadlay Afhayeenka Barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe waxaana uu sheegay in waxyaabihii maanta ay ka wada hadaleyn ay aheeyd sidii ay u bilaaban lahaayeen fadhiyadii Barlamanka.

 Waxaa uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in wadahal dheer kadib ay soo baxday in la dar dar galiyo dhismaha guriga golasha shacabka oo fadhiyada Barlamanka ay ka dhici doonaan dhamaadka bishaan iyo wixii ka dambeeya.

 Gudoomiyaha barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa wax laga weydiiyay in saameyn ay ku yeelanayso xubnaha Baralamanka KMG ee Soomaaliya ka bixitaankii dhawaan uu ka baxay xildhibaanada Barlamanka Xildhibaan Saalax Nuux Badbaado isagoo sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin,waxaana uu sheegay in xildhibaanada kale ee Barlamanka aanay u qorsheysneyn in ay isaga baxaan Barlamanka.

 Hadalka gudoonka Barlamanka ee ku aadan in dabayaaqada bishaan dib ay u furmayaan fadhiyada Barlamanka ayaa imaanaya xili wali dhismo lagu wado xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo la qorsheynayo in ay fadhiyo ku yeeshaan Mudanayaasha Barlamanka.

Related posts:

  1. Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan madoobe oo sheegay in Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay soo faragaliyeen Khilaafkii Barlamanka.
  2. Mudanayaasha Barlamanka ee ka soo horjeeda gudoonka Barlamanka oo maanta magacaabay gudi soo magacaabo gudoon cusub.
  3. Gudoonka Barlamanka oo ugu baaqay mudanayaasha Barlamanka in ay joojiyaan kulamada gooni goonida ah ee ay ku yeelanayaan Muqdisho.
  4. Gudoomiyaha Barlamanka KMG iyo 70 xildhibaan oo goordhow ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kuna soo jeeda Magaalada Muqdisho.
  5. Munadayaal ka tirsan Barlamanka KMG oo ku eedeeyay AMISOM in aysan masuuliyad iska saarin amaanka xildhibaanada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=670

Posted by on Feb 18 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com