Qaramada Midoobay oo iska fogeysay eedeemo ay u soo jeedisay dowladda Mareykanka oo ku aadaneyd howlaha gar gaar ee ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Bariisle: Friday 19 February 2010(Nirobi)Barnaamijka Cunada Aduunka WFP ee Qaramada Midoobay ayaa iska fogeeyay eedeemo ku aadanaa in kaalmada bani’aadanimo ee loogu talagalay Soomaaliya ay u weeciso dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya.

Better Somerton oo ah Afhayeenka hay’adda Cunadda Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP oo shalay shir jara’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa waxa uu iska fogeeyay in WFP ay u weeciso kaalmada bani‘aadanimada ee loogu tala galay Soomaaliya dhinacyada hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya xilli dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay xayiraad ku soo rogeyso Malaayiin Doolar oo ay Barnaamijka Cunada Aduunka WFP ugu tala gashay in ay wax uga qabato xaaladaha bani’aadanimo ee haysta dadka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya dhibaatada ka dhalatay dagaalada aan dhamadka laheyn iyo abaarah ka jira gudah dalka Soomaaliya.

 Mr. Somerton ayaa waxa uu tibaaxay in WFP baaritaano ay samaysay ay ku ogaatay in aanay jirin waxyaabo cadeynaya in shaqaalaha hay’adaasi ay siiyaan raashinka mucaawanada ah ee Soomaaliya xoogaga hubeysan ee ka dagaalama wadanka Soomaaliya, isagoona dowladda Marayka ugu baaqay in xayiraadaasi uu ka qaado  Barnaamijka Cunada Aduunka gaar ahaan lacagaha Malaayiinta ah oo ay ugu tal gashay wax ka qabashada xaaladaha dhinaca raashinka ah ee ka jira wadanka Soomaaliya.

 Dhanka kale isku duwaha howlaha bani’aadannimda ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Mark Bowden ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka in siyaasad ahaan ay u fara gilineyso arimaha dhinaca aadanimada ee dalka Soomaaliya kadib wada Xaajoodyo dhex maray Qaramada Midoobay iyo Xukuumada Washington taaso ku aadaneyd sidii xayiraadda looga qaadi lahaa lacago Malaayiin Dollar oo ay Qaramada Midoobay u qoondaysay wadanka Soomaaliya.

 Isagoo Wariyayaasha kula hadlayay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa Mr Bowden isku duwaha howlaha aadannimada ee Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in wadaxaajoodka u dhexeeyay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay uu u istaagay qodob ku saabsan in dabagal lagu sameeyo howlaha WFP ay ka wado wadanka Soomaaliya taasoo uu sheegay in uu u arko in Siyaasad la dhex galiyo arimo bani’aadanimo oo Qatar ah isagoona wax faah faahin ah ka bixin arinkaasi.

 Waxa uu intaasi sii raaciyay in Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay aanay wax hanti ah siinin dhinacyada ka dagaalama dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Mark Bowden.

 Si kastaba ha ahaatee warbixino ay dhawaan soo saareen hay’adaha WFP iyo FAO oo ah hay’adda beeraha iyo cunada aduunka  oo labaduba hoostaga Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku sheegeen in 42%  shacbka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin kaalmo bani’aadanimo oo deg deg ah.

Related posts:

  1. Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo sheegay in dowladda KMG ay ka gacan siinayaan dhamaystirka howlaha Dib u heshiisiinta Soomaaliya.
  2. Qaramada Midoobay oo Xafiisyadeeda u soo rareysa gudaha Soomaaliya
  3. Qaramada Midoobay oo sheegtay in dowladda KMG Soomaaliya ay qarka u saarantahay in ay burburto.
  4. Qaramada Midoobay oo sheegtay in cadeymo loo waayay warbixintii ku saabsaneyd in la musuq maasuqay raashinka gar gaarka Soomaaliya.
  5. Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay oo isku raacay in aan waxba laga qaban Karin arimaha Soomaaliya inta laga helayo heshiis wadareed ay galayaan dhinacyada Soomaalida.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=673

Posted by on Feb 19 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com