Qaar ka mid ah shacabka degmada Garacad ee gobolka Mudug oo ka cabanaya diyaarado shisheeya islamarkaana ugaarsanaya ugaarta deegaankaasi.

Bariisle:Saturday 20 February 2010(Garacad)Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa ka cabanaya diyaarado shisheeya oo jawi hoose ku duulaya islamarkaana ugaarsanaya ugaarta deegaankaasi.

Wararka naga soo gaaraya degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi maalmihii ugu dambeeyay lagu arkay diyaarado Jawi hoose ku duulaya islamarkaana saameyn ku yeeshay Ugaarta ku dhaqan deegaankaasi.

 Diyaaradahan oo ah kuwa ku duulaya Jawi hoose ayaa waxa ay saameyn xoogan ku yeesheen ugaarta ku dhaqan deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo waliba deegaanada ku hareeraysan.

 Odayaasha iyo Waxgaradka ku dhaqan deegaanadasi ayaa sheegaya in dhibaatooyin xoogan ay ku qabaan Diyaaradahaasi, waxaana ay sheegeen in ay bartilmaameedsanayaan Ugaarta ku nool halkaasi iyagoona sheegay in dhibaatooyin xoogan ay ku qabaan Diyaaradahaasi oo jawi hoose ku duulaya islamarkaana nuucoodu ay ku sheegeen Nooca Helicopter-ka, iyadoo degmada Garacad ay tahay degmo aan Masaafo fog u jirin magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 Sadax bilood ka hor ayay aheyd markii Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda degmada Garacad ee gobolka Mudug ay baaq u direen Maamulka Puntland kaasi oo ay uga dalbanayaan in wax laga qabto diyaaradaha jawiga hoose ku duulaya islamarkaana guranaya ugaarta halkaasi ku dhaqan.

Related posts:

  1. Diyaarado Jawi hoose ku duulaya oo maanta lagu arkay Xafaado ka mid ah magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.
  2. Waxgaradka ku nool Hobyo oo walaac ka muujiyaya diyaarado dagaal
  3. Ciidamo Ethiopian ah oo galbinaya Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ee Soomaaliya oo maanta soo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
  4. Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose oo sheegay in ay waxyeeleeyeen mid kamid ah Diyaarado Joog hoose ku duuliyay magaalada Marka.
  5. Qaraxyo is xigxigey islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo askar ka tirsan dowladda KMG oo galabta ka dhacay degmada X/jajab.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=684

Posted by on Feb 20 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com