Waaxda Canshuuraha ee dalka S/Afrika oo Alaabo farabadan ka qaatey Ganacsatada Soomaalida ee ku sugan Magaalada Cape Town ee wadankaasi?

Bariisle:Sunday 21 February 2010(Cape Town)Booliiska Magaalada Cape Town ee dalka S/Africa oo ay wehliyaan Ciidamo ka socda Waaxda Canshuuraha ee S/Afrika ayaa waxa ay alaabo farabadan ka qaateen Soomaali ganacsiyo ku lahaa Xaafada Belville oo ay Soomaalida u badanyihiin.

Arintaani ayaa kadambeysey kadib markii ay Ciidamadu olole qaadeen oo ay ku ururiniyaan alaabo farabadan oo isugu jira dhar,Kabo, iyo Bagaash kale, kuwaasi oo ay ku qorihiin Shirkado magac ku leh Aduunka sida Nike Addidas iyo kuwa kale.

 Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee Dukaamada kulahaa Xaafadaasi ayaa sheegey in ay Ciidamada booliiska iyo kuwa Waaxda Canshuuraha ay alaabaha qaateen lacag ahaan ay garayaan 150.00 dollar taasi oo qasaaro weyn ku ah  ganacsatada Soomaalida.

 Waaxda Canshuuraha S/Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SARS ayaa dhowr jeer oo hore alaabo ka qaatey Soomaalida ganacsiyada ku leh Cape Town iyadoo aanan jirin wax  dib loogu soo celiyey.

Related posts:

  1. Ganacsato Soomaaliyeed oo dhac iyo boob loogu geystay tuulo 150-km u jirta Magaalada Cape Town ee Dalka K.Afrika.
  2. Tacadiyada dalka S/Afrika loogu gaysanayo dadka Soomaalida oo laba jibaarmay xiligan.
  3. Soomaalida ku nool K/Afrika oo dhibaato ku qaba qaar ka mid ah dadka S/Afrikan-ka.
  4. Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Xeebaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen burcad badeeda Soomaalida.
  5. Muwaadin Soomaali ah oo Saakay lagu dilay K/Afrika.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=691

Posted by on Feb 21 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com