Hambalyo kacdoonkii dhagaxtuurka ee dhalinyarada Hargeysa iyo xaq darada weli ay Tabanayaan beelaha Gabooyaha

Bariisle:Tuesday 23 February 2010(Dooha)Waxaanu ugu hambalyeynaynaa dhalinyaradii wakhtigaa sameeyey kacdoonkii dhagaxtuurka magaalada Hargeysa sanadkii 1982kii munaasbada dabaaldega iyo xasuusta maalintaas oo ku beegnayd 20th Jenuary ee bishan waxaananu ugu hambalyeynaynaa dhamaan dhalinyarada somaliland oo u dabaaldegaysa xuska maalintaas
 
Waxa cid waliba dareemi kartaa sababaha keenay in maalintaas kacdoonka dhagaxtuurka ay ku talaabsadaan dhalinyaro reer somaliland ah oo ahayd cadaalad la aanta iyo xaq daradii ay tabanayeen taas oo keentay inay naftooda ula badheedhaan xadhig iyo dil uu ku qaado maamulkii markaas jiray iyaga oo aan ku tilmaami karo geesiyaal muujiyey dareenkooda iyo waxa ay tabanayeen si badheedh ah oo cad
 
Waxa aan xasuusinayaa dhalinyarada reer somaliland ee u dabaaldegaya maalintan oo noqotay maalinta dhailnyarada somaliland in aanu dhamaan dulmigii iyo xaq daradii ay ka dagaalameen dhalinyaradaasu oo uu weli ka jiro xaq daro iyo dulmi ay tirsanayaan weli qaybo ka mid ah dhalinyarada samaliland gaar ahaan beelaha loo yaqaan Gabooyaha oo ay haysato tii shalay ay ka dhiidhideen ee aad ka dagaalanteen oo dhinacyo badan ay ka tabanayaan xaq daro iyo dulmi noqday mid aan dadka reer somaliland aanay marna hoos u eegin
 
Waxaan u sheegaynaa bulshada reer somaliland inta qaar ka mid ah ama beelo ka mid ah bulshada somaliland ay tirsanayaan dulmi ama xaq daro in aanu dhamaan dulmigii dabaaldeg  kasta iyo xus kasta oo ay sameeyaan qaybo bulshada ka mid ah aanu noqon karin marna in uu ka dhamaaday xaq daradii dhulka soamliland inta ay jiraan cid wax tabanaysa oo weli aan helin cadaalad taam ah oo ay la wadaagaan wallaalahooda somaliland ee kale
 
Xaqiiqdu waxa weeye kuwii shalay u kacay inay ka dagaalamaan dulmigii wakhtigaas jiray ee ay tabanayeen waa inay ogaadaan in weli qaybo ka mid ah bulshada somaliland oo wax tabanaysa ay jiraan oo damiirka bina aadamnimadu ay ku tusayso in aan somaliland weli gaadhin xaqsoor dhab ah iyo cadaalad taam ah oo wada qancisa bulshada reer somaliland inta qaar ka mid reer somaliland ay xanuun ku hayso xaqiraad iyo quudhsi badheedh ah oo xad gudub ku ah dadnimadooda iyo islaamnimadooda
 
Ma dhamaan cudurkii dulmigii xaqdaradii quudhsigii takooridii iyo cadaalad daradii welina halgankii dhalinyaradaasu gashay wakhtigaas ma wada gaadhin bulshada reer somaliland oo weli qaybo qaar ka mid ahi ay la ildaran yihiin dhibaatada xaq darada iyo quudhsiga iyo takoorida ka haysata wallaalahooda somaliland
 
Waxaanu u soo jeedinaynaa shacabka reer somaliland halgan kasta iyo guul kasta oo la sheego macna weyn yeelan mayso inta reer somaliland aanay halgankooda ku darin wax ka qabashada dadyowgan tabanaya dulmiga mudada dheer
 
 
Dr. Mustafa Ismaaciil Dhinbiil

Related posts:

  1. Hambalyo Iyo Tageeriid Xaquuqda Beelaha Gabooye Iyo Bogaadin (By-Abdirahman H Mohamoud)
  2. Beelaha la yidhaahdo Gabooyaha iyo taariikh deegaankooda raadraac Taariikheed”Dr Mustafa Ismaaciil Dhinbiil”
  3. TUN JILEELSIGA GABOOYAHA IYO SAMIRKII OO SOO DHAMAADAY
  4. Gudoomiyaha Beesha Gabooye Ee Yurub & W/America Oo Hambalyo U Diraya Madaxweynaha Somaliland iyo la taliyadiisa cusub ee ariamaha beelaha gabooye -Garyaqaan-Barkhad Jamac Hirsi.
  5. Xildhibanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo weli ku horayso Wareeggii labaad doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=694

Posted by on Feb 23 2010 Filed under MAQAALO. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com