Dowladda wadanka Jarmalka oo lacago ugu deeqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti kadib wadahadal dhexmaray Jabuuti iyo Jarmalka.

Bariisle:Wednesday 24 February 2010(Muqisho)Dowladda wadanka Jarmalka ayaa lacago ugu deeqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti kadib markii wadahadal dhexmaray wasiirada arimaha dibada ee Jabuuti iyo Jarmalka.

Wasiirka arimaha dibada wadanka Jarmalka ninka lagu magacaabo Westerwelle oo magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kula kulamay wasiirka arimaha dibada reer Jabuuti Max’uud Cali Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Jarmalka ay ku tabarucday aduun lacageed oo gaaray 120 kun oo Yurowga ah taasoo uu sheegay in loogu talagalay taageerida dhinaca Caafimaadka iyo waxbarashada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti.

 Mr. Westerwelle ayaa waxaa uu sheegay in dalka Jarmalka uu ka mid yahay dalalka reer Yurub ee ka qeyb qaadanaya taageerida tababarka ciidamada booliska dowladda KMG ee Soomaaliya isagoo sheegay in arintaani ay tahay talaabo hormarleh oo bilow ah u noqon doonto taageerada kaga timid dhinaca wadanka Jarmalka, waxaana uu sheegay sidoo kale in ay safaarad ka furan doonaan dalka Jabuuti oo iyana ay taageeri doonaan shacabka reer Jabuuti.

 Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada wadanka Jarmalka Westerwelle ayaa dhigiisa dalka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf waxaa uu kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay in dhibaatooyin fara badan ay ku hayaan Maraakiibta isticmaasha xeebaha gacanka cadan.

 Dalalka Jabuuti iyo Jarmalka ayaa waxaa ay yihiin wadamo si aad ah u taageersan dowladda KMG ee Soomaaliya, waxaana taageerida wdanka Jarmalka ka soo baxday ay u muuqanaysaa in ay qeyb ka tahay balan qaadkii horay ay u sameeyeen oo ahaa in ay is bar bar aagi doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo waliba dowladda KMG ee Soomaaliya.

Related posts:

  1. Dowladda Wadanka Giriiga ayaa mudo 15 maalin ah kadib waxaa ay sheegtay in ay siinayso sharci iyo Guryo ay degaan Qaxootiga Soomaaliyeed
  2. Kulan looga hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Gariiga oo shalay Athens ku dhexmaray dowlada Giriiga iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.
  3. Dowladda Jabuuti oo sheegtay in bisha soo socota ay Soomaaliya u soo direyso in ka badan 450 askari oo qeyb ka noqda ciidamada Midowga Africa.
  4. Wasiir ka tirsan dalka Jarmalka oo sheegay in wadamadda horumaray ay sabab u yihiin burcad badeeda ka jira xeebaha Soomaaliya.
  5. Madaxda ugu saraysa dowladda KMG oo uga mahadceliyay dowladda Jabuuti gacantii ay ka geysatay isku daygii lagu dhaxdhaxaadinayay Baarlamaanka Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=700

Posted by on Feb 24 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com