Badmaaxiyaal ku dhintay weerar Burcad badeeda ay ku qabsadeen Markab Taiwan laga leeyahay iyo burcad badeed maxkamadeyntoodu ay ka bilaabatay Yemen.
Bariisle:Thursday 25 February 2010(Cadan)Labo badmaaxi ayaa ku geeriyooday weerar Burcad badeeda Soomaalida ay ku qabsadeen Markab laga leeyahay wadanka Taiwan iyadoo burcad badeed Soomaali ah maxkamadeyntoodu ay ka bilaabatay dalka Yemen
Wasaaradda arimaha Dibadda ee wadan Taiwan ayaa sheegtay in 2 kamid ah badmaaxayaasheeda ay ku geeriyoodeen xeebaha wadanka Soomaaliya xilli kooxaha burcad badeeda Soomaaliada ay afduubanayeen markab kuwa kaluumeysiga ah oo laga leeyahay dalkaasi Taiwan.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartey in markabkaasi kaluumeysiga ah uu magaciisu ahaa Win Far No.161 waxaana ay sheegtay in sababta dhabta ah ay u geeriyoodeen baadmaaxayaashaani weli aan la shaacin inkastoo aaney cadeen in rasaas ay soo rideen kooxaha burcadbadeeda ay ku geeriyoodeen iyo in kale.
Wararka qaar ayaa sheegaya in labadaasi badmaaxi ay kasoo jeedaan dhalasho ahaan dalalka Indonesia iyo china.
Geesta kale sida ay sheegtay hay’adda badmareenada caalamiga ah ee dalka Kenya kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa horaantii isbuucaan afduubtay markab yar oo laga leeyahay dalka Hindiya oo ay saarneeyeen ilaa 9 badmaaxiyaal ah oo dhamaantood ahaa shaqaale u dhashay Hindiya xili markabkaasi uu ku soo wajahnaa biyaha gacanka cadmeed.
Warbixin ka soo baxday Xafiiska hay’adda ayay ku sheegtay in Markabkasi oo lagu magacaabo C/risaaq uu ku wajahnaa Magaalada Dubia ee Imaaraadka Carabta waxaana ay intaasi ku dartay in haatan kooxaha burcad badeeda Soomaalidu ay ku heystaan xeebaha dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale in kabadan 20 Burcadbaded Soomaali ah ayaa waxa ay maxkamadeyntoodu kasocotaa gudaha Dalka Yemen kuwaasi oo loo heysto denbiyo ah in ay weerar ku qaadeen maraakiib kuwa ganacsiga ah ee marayey biyaha Gacanka Cadmeed.
Qareeno iyo Abuu kaatayaal ka qeyb qaadanaya dacwada ka dhanka ah 22 burcad badeed Soomaali ah ayaa dhageysanaya dacwadaani loo heysto burcadbadeedaani Soomaalida ah.
Dowladda Yemen ayaa walaac kamuujisey dhibaatooyin soo foodsaartey oo ku aadan dhinaca dhaqaalaha ah taasoo sababtey in ay saameyn ku yeelatey weerarada kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ay kawadaan marin biyoodyada faraha badan oo ay ka midka yihiin Badda cas iyo marinka Baabal Mandab iyo gacanka cadmeed
Related posts:
- Dowladda K/Kuuriya oo sheegtay in ay xoog ku fureyso Markab shalay lafa Adfuubtay iyo burcad badeeda Soomaalida oo sii daayay Markab laga leeyahay Yemen.
- Ciidamada Midowga Yurub oo sheegay in ay ku raadjoogaan burcadii Afduubtay Markab laga leeyahay Norwey iyo ku dhawaad 30 burcad badeed ah oo la qabtay.
- Kooxaha Burcad badeeda oo ku hanjabay in ay gubayaan markabka laga leeyahay K/kuuriya hadii uu u soo dhawaado Markab dagaal oo ay u soo dirtay K/kuuriya.
- Markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Iiraan oo si xoog ah uga bad baadiyay kooxaha burcad badeeda Mar ganacsi oo isna laga lahaa wadanka Iiraan.
- Burcad badeeda Soomaalida oo qafaashay 3-Markab oo laga leeyahay wadanka Thailand oo mararyay meeel ka fog xeebaha Soomaaliya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=704













