Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac oo galabta lala beegsaday gaari ay wateen Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Bariisle:Friday 26 February 2010(Muqdisho)Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo marayay nawaaxiga Isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho.
Qaraxani oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso lagana hago Rumaad Kontaroolka ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya sida ay Shabelle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay.
Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi Miino ku geeryooday ilaa 4-askari oo katirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee la socday gaariga qaraxa lala beegsaday halka ay ku dhaawacmeen 5-kale oo iyana saarnaa gaariga la qarxiyay.
Markii uu qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay rasaas faro badan cirka u rideen taasi oo aan la ogeyn hadii ay Khasaaro geystay iyo inkale.
Mudo kooban ayaa waxaa la sheegay in uu hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee qeybo kamid ah Isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee wararkii ugu dambeeyay oo aynu goobtaasi ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in uu dib u furmay dhamaanba isku socodkii dadka iyo gaadiidka goobta uu qaraxu ka dhacay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax ceenkani oo kala ah lagula beegsado qeybo kamid ah magaalad Muqdisho gaari ay wataan Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Related posts:
- Qarax Qasaaro geystay oo galabta Ciidamo katirsan dowladda KMG lagula beegsaday degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
- Qarax sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta Mas’uuliyiin katirsan Dowladda KMG lagula Eegtay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
- Qaraxyo is xigxigey islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo askar ka tirsan dowladda KMG oo galabta ka dhacay degmada X/jajab.
- Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ku dhexmaray degmada X/jajab ee gobolka Banaadir.
- Dagaal dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG geystayna dhimasho iyo dhaawac oo maanta mar kale ka dhacay Degmada Dharkeenley.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=707













