Archive for: March, 2010

Wax aanu halkan ka cadeyneynaa in arrintii ahayd dhiigii marxum Khadar uu wakiil ka yahay in aan la qaadi Karin ( Axmed Iman Warsame)

Bariisle:Wensday 31 March 2010(Kuwait) KU: Wasiirka Arrimaha Gudaha                                                            Date:30/03/2010    OG : Wasiiru Dawlaha OG : Guddoomiyaha Maxkamaddaha Gobalka Hargeisa OG : Badhasaabka Gobolka Hargeisa OG : Badhasaab Ku Xigeenka                                                                 CADEYN Aniga oo ah Nimcaan Adan Cusmaan ahna Marxum Khadar Adan Cusman walaalkii iyo hooyaday iyo dhammaan walaalahay oo dhan gaar ahaan Muwliid Adan Cusmaan [...]

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Xeebaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen burcad badeeda Soomaalida.

Bariisle:Wensday 31 March 2010(MUQDISHO )Waxaa maanta saldhiga boliiska dekada magaalada Muqdisho lagu arkayay ilaa 4 nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaali ah kuwaasi oo mid ka mid ah uu meyd ahaa islamarkaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada Midowga Africa ee ku sugan dalka Soomaaliya. Taliyaha Booliska ee dekada weyn ee Magaalada [...]

Madaxweynaha dalka Kenya oo diiday dalab uga yimid Madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa in ciidamo lagu tababaray Kenya loo soo diro Soomaaliya.

Bariisle:Wensday 31 March 2010(NAIROBI )Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki  ayaa diiday dalab uga yimid dhigiisa dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo ku aadanaa in ciidamo Soomaaliyeed oo lagu tababaray Kenya loo soo diro Soomaaliya. Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa gaashaanka u daruuray codsi dowladda KMG oo ku aadanaa in loo soo diro dalka [...]

Ururka Codka Haweenka laga Tirada Badan yahay ee{ VOSOMWO } oo 35 xubnood Tabara u Furmay Ku saabsan sidii ay Dar-dargalinlahaa ka Qeyb galka Siyaasada Talada Dalka

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Codka  haweenka laga tirade badan yahay ee VOSOMWO isla markaana Maalgalisay NED.  Bariisle:Tuesday 30 March 2010(HARGEISA)Gudoomiye ku xigeenka komishanka xuquuqul insaanka somaliland Xasan sh. Maxamed aw cali ayaa axadii doraad aqoon is weydaasi halmaalin socday Hargeisa gaar ahaan huteelka Dalxiis restaurant  uga furay 35 xubnood oo ka kala [...]

Xaalka Beesha Gabooye Waa Dad Cun Iyo Daadufyaa Hadhay Qaliinkii-{Dr. Mustafa Ismaaciil Dhinbiil}

Bariisle:Tuesday 30 March 2010(DOHA)Taariikhdu waxay u tahay aadamaha shay noloshooda iyo masiirkooda beri qayb ku yeesha dadkuna waxay ka faaiidaan sixitaanka qaladaadkii dhacay ee soo maray si aanay dib uga dhicin waxa kale oo ay sidaasoo kale faaiido ugu yeelataa guulahii iyo waxtarkii ay sameeyeen oo markaa inta dib loo eego wixii wax ku oolka [...]

Hogaamiyaha Xisbul Islaam oo Burcad badeeda Soomaalida u qabtay in mudo 48-saac ah ay ku sii daayaan Maraakiibta iyo Doonyaha uraran ganacsatada Soomaaliyeed.

Bariisle:Tuesday 30 March 2010(Muqdisho)Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxa uu kooxaha Burcad badeeda Soomaalida u qabtay in mudo 48-saac ah ay ku sii daayaan Maraakiibta iyo Doonyaha uraran ganacsatada Soomaaliyeed ee ay ku haystaan biyaha Soomaaliya. Sheekh Xasan Daahir Aweys hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo galabta shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu [...]

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose oo sheegay in ay waxyeeleeyeen mid kamid ah Diyaarado Joog hoose ku duuliyay magaalada Marka.

Bariisle:Tuesday 30 March 2010(MARKA)Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu sheegay in ay waxyeeleeyeen mid kamid ah Diyaarado Joog hoose ku duuliyay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.   Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gacanta ku haya gobolka Sh/hoose ilaalo gaar ah ay ka hayeen xeebaha [...]

Qarax ay dadi ku dhaawacmeen oo saakay ka dhacay beer meel ku dhow degmada Afgooye uu ku lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Bariisle:Tuesday 30 March2010(Muqdisho)Qarax ay dadi ku dhaawacmeen ayaa saakay waxaa uu ka dhacay beer meel ku dhow degmada Afgooye uu ku lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Max’ed. Qaraxaani oo nuuciisu uu ahaa bamka gacanta laga tuuro oo dhawaqiisa si weyn looga maqlay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa saakay waxaa uu ka dhacay [...]

Dowladda wadanka Ruushka oo Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.

Bariisle:Monday 29 March 2010(MOSCOW)Dowladda wadanka Ruushka ayaa Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxaa ay u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya. Markab dagaal oo ah kii 4-aad islamarkaana  ah nuuca wax bur buriya oo lagu magacaabo Marshal Shaposhnikov kaasoo ka soo dhaqaajiyay xeebaha wadanka Ruushka 24-ka bishii February ayaa maanta soo gaaray [...]

Canada oo sheegtay inay qalabeynso ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya si ay ugu guuleystaankuwa ka soo horjeeda

Bariisle:Monday 29 March 2010(CANADA)Wasaaradda difaaca dalka Canada ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay inay qalabeyn u sameyn doonto ciidamada dawlada KMGS si ay uga adkaadaan xoogaga kasoo horjeday ee ku sugan qeybo fara badan oo Somalia ka mid ah.Warkaan oo lagu qoray bog inter-net oo afka wasaaradda gaashaanshiga wadanka Canada ayaa waaa sidoo [...]

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com