Barlamanka Somaliland oo wax laga xumaado ku tilmaamay dacwadii wasiirka arimaha dibada ee Kenya uu ku oogay gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Kenya.
Bariisle:Tuesday 2 March 2010(HARGEISA)Barlamanka Somaliland ayaa maanta waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dacwad Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya uu u soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo dhawaan booqday magaalooyin waaweyn oo katirsan Maamulka Somaliland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi C/raxmaan Ciro ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Mr Moses Watangula kaasi oo gudiga Baarlamaanka ee dalka Kenya u qaabilsan xiriirka Wadamada dibadda ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo booqashadii uu gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ee dalka Kenya Mr Faarax Macalin uu ku tagay Somaliland bishii December ee sanadii 2009-ka.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland C/raxmaan Ciro waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Mr Moses Watangula, wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in aysan jirin wax dambi ah oo uu galay Faarax Macalin xiligii uu booqanayay Somaliland iyadoona booqashada gudoomiye ku xigeen Baarlamaankii Kenya Mr Faarax Macalin ay aheyd booqasho rasmi ah taasi oo lagu wanaajinayay xiriirka u dhaxeeya 2-da Baarlamaan waa Kenya iyo Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
C/raxmaan Ciro waxa uu intaasi ku daray in socdaalkii gudoomiye Faarax aysan waxba ka gadisneyn socdaalkii Guddi Baarlamaanka Kenya katirsan uu ku booqday Somaliland sanadii 2006-da Barlamaankaasi oo markii ay ku laabteen dalkaasi Kenya uu ugu baaqay Golaha Baarlamaanka ee Kenya in ay aqoonsadaan Xukuumada Somaliland.
“ Somaliland iyo Kenyana waa laba dal oo aan kala maarmi karin islamarkaana dadka waa ay iska xigaan, maadama uu soo wada gumeystay Gumeystihii Ingiriiska” ayuu yiri Gudoomiye Ciro oo intaasi ku daray ka Somaliland ahaan in aysan jecleyn in ay faro galiyaan arimaha gudaha ee dalka Kenya.
Related posts:
- Wasaarada arimaha qoyska ee Somaliland oo sheegtay in dhulka Somaliland lagu kala iibsado jirka dadka shacab ah iyo walaac ay ka muujisay arinkaasi.
- Soomaalida ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo walaac ka muujiyay qabqabshada ay ku hayaan ciidamada dalka Kenya.
- Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay oo isku raacay in aan waxba laga qaban Karin arimaha Soomaaliya inta laga helayo heshiis wadareed ay galayaan dhinacyada Soomaalida.
- Akademiga Adem Oo Shir la Qaatey Wasiirka Waxbarashada Somaliland
- Dowladda Kenya oo sheegtay in rabshadaha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin xaaladaha amaanka ee wadanka Kenya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=716













