Kulan Lagaga Hadlayey Sidii Dadka Laga Tirada Badan yahay uga Qaybqaadan Lahaayeen Siyaasadda Hoggaaminta Talada Dalka.
Bariisle:Firday 19 March 2010(HARGEISA)Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Codka haweenka laga tirade badan yahay ee VOSOMWO isla markaana Maalgalisay NED
Kulan lagu gorfanaynayey sidii dadka Lahayb-sooco uga qaybqaadan lahayeen hoggaaminta siyaasadeed ee talada dalka, ayaa shalay oo Salaasa ahayd ka furmay hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.
Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa ka qaybgalay isla markaana loo qabtay masuuliyiin ka kala socda Baarlamaanka, asxaabta qaranka,Salaadiinta iyo waxgaradka beelaha la haybsooco, xubno ka mid ah ururrada bulshada iyo waliba Qaarka mid ah ardayda jaamacadaha kala duwan dhigta ee ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay ururka waddaniga ah ee VOSOMWO,isla markaana ay maalgalisay Ururka Caalamiga ah ee NED ayaa furitaankiisii waxa ka qaybgalay Agaasimaha Wasaaradda Qoyska Md. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-insaanka, Md. Xasan Sh.Maxamed Awcali, xildhibaano ka socday golaha Guurtida iyo wakiilada oo ay ka mid yihiiin xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, xildhibaan Faadumo Jaamac ileeye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalim [Wakiillada iyo Guurtida].
Guddoomiyaha ururka VOSOMWO Marwo Nimco Iid Salaan oo furitaankii munaasibadda ka hadashay, ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixisay ujeeddada kulankan, iyada oo ku dheeratay ahmiyadda uu u leeyahay dadka laga tirada badan yahay oo ay tilmaantay inuu ururkoodu door weyn ka ciyaaro sidii ay ugu wacyigelin lahaayeen dadka la hayb-sooco inay ku dhiirigaliyaan ka qaybqaadashada talada dalka iyo doorashooyinka soo socda.
Agaasimaha Wasaaradda Qoyska Md. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan kaalin muhiim ah ugu jiraan dadka laga tirada badan yahay, waxaannu ugu baaqay inay gebi ahaan magaca hayb-sooc laga joojiyo dadkaas, isaga oo u soo jeediyey inay dedaal badan sameeyaan sidii ay kaalintooda u buuxin lahaaayeen.
Waxa kale oo halkaa ka hadlashay Faadumo Jaamac oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida, ayaa sheegtay in aannu jirin wax la yidhaahdo hayb-sooc, balse waqtigan lagu tartamayo aqoon, iyada oo xustay in dadka laga tirada badan yahay looga baahan yahay inay ku dhiirradaan ka qaybqaadashada talada dalka, isla markaana kaalintooda buuxiyaan.
Suldaan Naasir oo ah suldaanka guud ee Muuse-dheriyo, ayaa isagu ku dheeraaday duruufaha haysta dadka laga tirada badan yahay, isaga oo xusay inay ka mid yihiin inay ka qaybqaataan talada dalka masuuliyiinta ugu jira dawladda amma madax-dhaqameedka oo kaalintii ay ku lahaayeen gabay ama ka soo bixiwaayey, waxaannu ugu baaqay inay dedaal sameeyaan sidii dadka laga tirada badan yahay aqoontoodu u horumarin lahaayeen, isla markaana uga dhex muuqan lahaayeen saaxadda talada ee siyaasadda dalka.
Waxaa kale oo iyana ka hadlay madasha masuuliyiin ka socda saddexda xisbi qaran ee ka jira Jamhuuriyada Somaliland, Xisbiga talada haya ee UDUB oo uu ka socda Md, Axmed Cali Xasan, Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay ka socotay Marwo Xaliimo Cismaan Raage iyo waliba xubin kale oo ka socotay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.
Kulanka oo ay hadleen masuuliyiinta lagu martiqaaday iyo ka qaybgalayaasha, ayaa si mug leh uga hadlay sidii dadka laga tirada badan yahay uga qaybqaadan lahaayeen talada dalka, isla markaana ku dhiirrigeliyey in aannu jirin wax la yidhaahdo hayb-sooc.
Kulankan oo soconayey muddo laba maalmood ah isla markaana lagu lafa gurayey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada talada dalka iyo doorashooyinka la filaayo in ay ka qabsoomi doonaan dalka Jamhuuriyada Somaliland, ugu danbayntii kulankan waxaa soo xidhay Gudoomiyaha Ururka VOSOMWO Marwo Nimco.
Mahad Naq,
Gudoomiyaha Ururka
Marwo, Nimco Eid Sallan
And All VOSOMWO Staff members
Head Office Hargeisa,
Somaliland
Related posts:
- Ururka Codka Haweenka laga Tirada Badan yahay ee{ VOSOMWO } oo 35 xubnood Tabara u Furmay Ku saabsan sidii ay Dar-dargalinlahaa ka Qeyb galka Siyaasada Talada Dalka
- Kulan Lagaga Hadlayey Dadka La Hayb-sooco sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka bulshadooda iyo Guddi Isugu Jirta Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedyo Oo kulankaas lagu Abuuray
- Ururka Codka Haweenka Laga Tirada Badan yahay Ee VOSOMWO oo Tobabar uga Furmay Magaalada Berbera 30 Qof oo ka mid ah Beelaha la Heyb-sooco
- Kulan lagaga Hadlayey Fursadaha Shaqo iyo wax-barasho ee Dadka la Heyb-sooco oo Boorame lagu Qabtay Ururka VOSOMWO
- Kulan balaadhan oo lagaga hadlayey Arimaha Takoorka oo Burco ka dhacay!
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=928






























