Diinta Islam-ku Maxay ka Qabtaa In Afka La soo Duubto Sida Al-shabaab oo kale? Dr.Osman Macalin

Bariisle:Saturday 20 March 2010(Sa,udi Arabia) Diinta Islam-ku Maxay ka Qabtaa In Afka La soo Duubto Sida Al-shabaab oo kale? waxaa ka Jawaabaya Shiekh  DR.Osman Macalin

Jawaab: Culimadu waxay yiraahdeen waa wax la neceb yahay (Makruuh) in afka la daboosho marka la tukanayo.

Waxaana ku soo arooray xadiith sheegaya in Rasuulku nabadgelyo iyo ammaani korkiisa ha ahaatee uu diiday in afka la daboosho salaadda dhexdeeda.

Abuudaawuud (643) iyo ibnumaajah (966) ayaa weriyay, waana xadiith sugan. erayada ibn maajana waa sidan:

عن أبي هريرة رضي الله عنه، قال: نهى النبي صلى الله عليه و سلم أن يغطي الرجل فاه في الصلاة.

 Imaam Maalik wuxuu kitaabkiisa muwadda’a (xadiithka tirsigiisu yahay 30) ka weriyay cabdiraxmaan ibn al-mujabbar in adeerkiis saalim  oo ahaa wiilkii Cabdillaahi ibn cumar kana mid ahaa toddobadii caalin ee fiqiga looga danbeeyay magaalada Madiina waqtigii Taabiciinta, haddii uu arko qof afku u daboolan yahay salaadda dhexdeeda uu si xooggan uga soo dhufan jiray marada afka ugu duuban. Culimadu waxay yiraahdeen arrintaa waxaa laga qaadanayaa laba waxyaabood:

1- munkarki oo uu gacantiisa wax uga qabtay, iyadaana ku xoog badan wax baridda, illeen wuxuu ahaa nin imaam ah cilmigana looga danbeeyo, wax fitna ahna ka dhalan meyn arrinkaa.

2- tan kalena waxay tahay in xumaanta afdaboolashada salaadda dhexdeeda ay ahayd arrin magaalada madiina laga yaqaannay.

Jacda ibn hubyra isna nin salaadda dhexdeeda wejiga cimaamad ku dabooshay ayuu ka tuuray cimaamaddii iyo koofi bireed madaxa u saarnayd.

Ibnul-mundir wuxuu ku yiri kitaabkiisa awsad ka la yiraahdo: culimo badani way dhibsadaan in afka la daboosho salaadda dhexdeeda, ragga arrintaa laga weriyayna waxaa ka mid ah: ibnucumar, abuuhurayra, waxaa sidaas oo kale yiri: cadaa’a, saciid ibn musayyaba, ibraahiim al-nakhaci, saalim ibn cabdillaah, shacbi, xammaad ibn abii sulaymaan, awzaaci, maalik, axmad ibn xanbal, isxaaq ibn raahaweyhi, xasanna laba qowl ayaa laga weriyay (mid ka mid ahise wuu khilaafsan yahay xadiithki aan soo sheegnay) .

Wuxuu kale oo uu yiri ibnul-mundir: dhammaan culimada warkoodu i soo gaaray waxay wax la neceb yahay u arkeen in sanka iyo afka la daboolo salaadda dhexdeeda, xasan ma ogiye oo isagu diiday in sanka iyo afkaba la wada daboolo, oggolaadayse afka dabooliddiisa.

Imaam Maalik wuxuu leeyahay ma wanaagsana in afka la daboosho salaadda dhexdeeda, haddaan salaad la tukanaynna ma ahan dhaqan akhyaareed  in afka la duubto. Sidaas waxaa yiri imaam Maalik.

Dadku wax xun ayay ka maleynayaan qofka wejiga duubta, oo waxay is leeyihiin tolow muxuu dhagar damacsan yahay.

Culimada qaarna waxay ku sheegeen xikmada loo diiday in afka la daboosho salaadda dhexdeeda si aan loogu ekaannin nimanka dabcaabudka ah marka ay cibaadeysanayaan.

Waxaa kaloo lugu sheegay xikmadda loo diiday arrintaa doonis la doonayo in wejigu dhulka taabto.

Arrinta shabaabka ku saabsan ee aad weydiinayso haddey is hubaan in ay xaq ku taagan yihiin maxay wejiga u qarsnayaan, waxay ku fiicnaan lahayd in iyaga la weydiiyo. Dadkuse waxaa muuqata in ay ka aamminsan yihiin in ay cabsiyi u geysay arrintaas

.

Qofkii cudur daar leh waa meeshiisa (sida in qabow darani jiro, ama qofka xasaasiyadi heyso), saddex meeloodse wejiga lama daboosho:

1- Salaadda.

2- Janaazada.

3- Jihaadka.

Sidaas waxaa ka soo guuriyay dadki asaga ka horreeyay in ay dhibsan jireen arrimahaa cadaa’a ibn saa’ib. fiiri musannafka ibn abii shayba (7389).

Dr.Osman Malcalin

Related posts:

  1. Sh. Cutmaan Macalin oo ka jawaabo su,aalo Diiniya oo ah “Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?”
  2. Qaadka & Sigaarka Shareecada Diinta Islamku Maxay ka Qabtaa?{Sh.Abdikariim Hassan Hoosh}
  3. Faarax Macalin: Kenya ma damacsna inay la wareegto dekadda Kismaayo
  4. RA’IISUL WASAARE SHARMA’ARKE: “Xilalkii ay banneeyeen wasiirradii iscasilay sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku soo buuxinaynaa”
  5. Markab hub iyo gawaari gaashaaman u sida Dowladda KMG ah oo galabta ku soo xirtay Dekedda Muqdisho

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1002

Posted by on Mar 20 2010 Filed under ISLAM. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com