Arday Soomaaliyeed oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Gold Medal ee Jaamacad Dalka India

Bariisle:Sunday 21 March 2010(India)Waxaa Maalinimadii Jimcaha oo ku beegnayd 5-3-2010 ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad Abaalmarin Gudoonsiin ah oo aad u balaaran Jaamacadda University Of Mysore oo kutaala Gobolka Karnataka Gaar ahaan Magaaladda Dhanka Cimiladda Ku Wanaagsan ee Mysore Xaflaadaas ayaa Abaalmarinta Caanka ah ee lagu abaalmariyo Qofka ugu sareeya Imtixaanka celcelis ahaan ardayda dhigata kuliyada cilmiga horumarinta biladaas oo loo yaqaan THE GOLD MEDAL ama Biladii Dahabka ahayd ayaa waxaa Markii ugu Horeeyey ku Guulaystay Arday Soomaaliyeed oo la dhaho Cabdulahi Cabdi Maxamed taas oo uu kuhelay kadib markii uu Darajadda ugu saraysa gaaray ama heerkii looga baahnaa Qaybta ama Department Of Development Studies ee Master ka isla Jaamacadda University Of Mysore.

xinta Abaalmarinta Gold Medal Waxaa Goob Joog ka ahaa oo kasoo qayb galay Masuuliyiin iyo Aqoonyahano si gaar ah looga tixgaliyo Waddanka India waxaana Horkacayey Gudoomihaya Gobolka Karnataka Mr. H.R.Bharwaj iyo Wasiirkii Hore ee Cadaaladda Waddanka India Mr.Rama Jois, Madaxa Diiwaan Galinta (Registerar) University Of Mysore Mr. B.Ramu, Iyo Madaxweyne Kuxigeena Jaamacadda University Of Mysore, Vice Chencellor Prof. V.G Talwar.

Jaamacadda University Of Mysore oo Abaalmarintaan Caalamiga ah Bixinaysay ayaa waxa ay kamid tahay Jaamacadaha ugu Facaweyn Waddanka India taas oo la dhisay Sanadkii 1916, Waxyna Qabashadda Shahaado Gudoonsiinta iyo Bixinta Abaalmarinadda Caalamiga ah Biloowday Sanadkii 1920, ayadoo Sanadkaana 2010 ay ahayd markii 90 naad ee xafladan la qabto ayadoo walibana ay sanadkan ku Kubaaseen Imtixaankii Jaamacadda 17,791.

Bixinta Abaalmarinta Caalamiga ah ee Gold Medal ayaa waxaa 5 tii Sano ee la soo dhaafay ku Guulaystay inay Qaataan marka laga hadlayo Qaybta ama Department Of Development Studies ee Jaamacadda University Of Mysore ee Master Degree ga Arday kasoo kala jeeda Waddama India, UK, Ethiopia balse waxaa hadda Markii ugu Horaysay Qaadashadda Abaalmarinta Gold Medal kusoo Biiray Soomaaliya, taas oo sharaf iyo Maamuus u ah Ardayda Soomaaliyeed oo dhan Meelkasta oo ay Joogaan.

Shuruucda lagu qaato Gold Medal oo uu qofka ardayga ah ku mutaysan karo waxaa igu muhiimsan inuu la yimaado Qodobadaan Soosocda

1.In uu ardaygu ugu sarayso dhibco ahaan ardayda dhigata Qaybta uu markaas ardaygu dhigto.

2.In uu ardaygu waligii wax imtixaan ah uusan ku dhicin intuu dhiganayey Master Degree oo dhan Afar Semester ama 2 Sanno.

3.In uu ardaygu keeno dhibco ahaan ama uu ka sareeyo Celcelis ahaan gaarsiisan yahay ama ka sareeyo Frist Class ama Darajadda Koowaad.

Haddaba Aradygaan Soomaaliyeed Cabddullahi Cabdi Maxamed waxa uu Buuxiyey dhammaanba Shuruucdaas taas oo kadibna uu ku mutaystay inuu qaato Bilidda Dahabka ah ee Gold Medal Tani waxa ay Dhiiragalin u tahay Ardayda Soomaaliyeed oo dhan inay iyaguna la yimaadaan Dedaalka uu la yimid Cabdullahi cabdi si ay markaas ugu Guulaystaan Abaalmarinta Caalamigaa ee ah Billadda Dahabkaa ee laga bixiyo inta badan jaamacadaha aduunka qofkii heerkaa gaara.

Related posts:

  1. Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sii daayay labo Doomood oo laga leeyahay dalka India.
  2. Arday maanta u fariisatay imtixaanka aqbalaada ee Jaamacada Banaadir.
  3. Kulan looga hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Gariiga oo shalay Athens ku dhexmaray dowlada Giriiga iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.
  4. Shirkadda Dahabshiil oo la guddoonsiiyey abaalmarinta 40 sannadood oo adeeg bulsho oo hufan ah(Award for Excellence in the Community)
  5. Ganacsato Soomaaliyeed oo dhac iyo boob loogu geystay tuulo 150-km u jirta Magaalada Cape Town ee Dalka K.Afrika.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1030

Posted by on Mar 21 2010 Filed under TECHNOLOGY, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com