Ardey Soomaaliyeed oo wax barasho u aaday Jaamacadaha Pakistaan oo sheegay in laga diiday shahaadooyinkii ay wax uga baran lahaayeen dalkaasi.

Bariisle:Sunday 21 March 2010(ISLAM ABAD)Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u tagay dalka Pakistaan ayaa cabsho ka muujinaya dhibaato xiligaan ka soo wajahday Waxbarashadood kadib markii ay sheegeen in laga diiday Shahaadooyinkoodii.

Qaar ka mid ah Ardayda wax barashada u aaday wadanka Pakistaan oo la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo foodsaartay dhibaatooyin dhanka waxbarashada kadib markii sida ay sheegeen laga diiday aqoonsiga shahaadooyinkii ay wax ku baranayeen.

Waxaa ay tibaaxeen ardaydaasi in kumanaan arday ah oo ka kala yimid dalal farabadan ay wax ka bartaan Jaamacadaha kuyaala wadankaasi Pakistaan kuwaasi oo ay sheegeen in shahaadooyinkoodii ay saxiixeen wasaaradaha waxbarashada ee dalakooda balse waxaa ay sheegeen in iyagu aanay heysan wasaaradii waxbarasho ee u saxiixi laheyd Shahaadooyinkooda.

Waxa ay intaasi ku dareen ardaydaasi Soomaalida ah ee waxbarashada u jooga dalka Pakistaan in markii hore ay garab ka heli jireen Wasiirkii waxbarashada ee dowladda KMG ee Soomaaliya kaasoo ku geeriyooday qaraxii 3-dii December ee sanadkii tagay ka dhacay Hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho.

Ardaydu waxaa ay sheegeen in wixii xiligaasi ka dambeeyay oo aanay jirin wasaarad Waxbarasho ay soo wajahday dhibaato iyo cadaadis uga imaanaysa Waaxda Waxbarashada ee dalka Pakistaan taasoo inta badan ku cel celisay oo weydiisay Shahaadooyinkii u fasixi lahaa waxbarashadood.

C/nuur Max’ed Axmed oo ka mid ah ardaydaasi oo Shabelle xalay u waramayay ayaa sheegay in inta badan shahaadooyinkii ay ardeydu u qaateen wadanka Pakistaan ay yihiin kuwii ay kala tageen dalka Soomaaliye hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in xaqiijinteeda laga doonayo Wasaarada Waxbarashada ee dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in haatan ilaa 50 arday oo Soomaaliyeed ay dhibaato ka heysato wax ka barashada Jaamada International Islamic University taasoo ay haatan wax ka bartaan 50-kun oo arday kuwaasi oo ka soo kala jeeda Quumiyado kala duwan.

Ugu dambeyntii ardaydaasi Soomaalida ee wax barashada u aaday wadanka Pakistaan  ayaa waxaa ay ka codsadeen dowladda KMG ee Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabato dhibaatada dhanka waxbarashada ee haatan la soo gudboonaatay oo ay u diraan Pakistaan wasiiro dhanka waxbarashada ah.

“Waxaan ka codsnaynaa dowladda KMG wasaaradaheeda arintaan ay quseyso ee Wasaarada tacliinta iyo Waxbarashada wallow wasiiradoodii ay ka geeriyoodeen in ay maqlaan qeyla dhaanteena oo ay wax ka qabtaan cabashadeena” ayuu yiri Cabdi Nuur.

Horay ayaa safaarada Soomaalida ee dalka Pakistaan waxaa ay ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi waxbarashada u tagay ay ku wargalisay in 17-kii December ee sanadkii 2009-ka ay dalkaasi Pakistaan ugu tagayaan Wasiiradii Waxbarashada iyo Tacliinta Cadoow iyo Waayeel kuwaasi oo 3-dii December ku geeriyooday qaraxii Shaamoow ee Magaalada Muqdisho.

Cabashadaani ku aadan dhibaatooyinka waxbarasho ee ka soo yeeraysa ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u aaday dalka Pakistaan ayaan la ogeyn sida ay uga jawaabi doonto dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo wali aan la shaacin Wasiiradii badalay kuwii waxbarashada ee ku dhintay Hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho sanadkii la soo dhaafay.

Related posts:

  1. Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in dhigeeda Sacuudiga ay kala hadashay in dadka Soomaalida ah ee ka shaqeysta dalkaasi in la siiyo sharci ay ku joogaan dalkaasi
  2. Ciidamada amaanka xeebaha Yemen oo maanta sheegay in dalkaasi ay gaareen Ku dhawaad boqol qof oo ka cararay dagaalada ka jira dalka Soomaaliya.
  3. Kulan Lagaga Hadlayey Sidii Dadka Laga Tirada Badan yahay uga Qaybqaadan Lahaayeen Siyaasadda Hoggaaminta Talada Dalka.
  4. Madaxweyne Shariif oo u Hambaliyeeyay Umadda Soomaaliyeed.
  5. Milkiilayaasha Doonyaha shixnadaha Ganacsi ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo diiday in wax shixnado ganacsi ay u soo qaadaan dekadaha Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1025

Posted by on Mar 21 2010 Filed under AR.BULSHADA, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com