Shiinaha Oo Mar Kale Eedo Kulu Usoo Jeediyey Shirkadda Google

Bariisle:Tuesday 23 March 2010(Beijing)

Wakaaladda Wararka Shiinaha ee la yidhaa (Xinhua News) ayaa hadalo kulul ku weerartay shirkadda Google, kuwaas oo ku eedaynaysaa in aanay shirkadda Google ku dhaqmin sharciyadda saxaafadda ee dalka Shiinaha.

Dhacaayadaha iyo eedaha ka soo yeedhaya dalka Shiinaha ayaa laga yaabaa inay sababi karaan ama ay sababaan in shirkadda Google ee dhinaca Internet-ka ee wax laga raadiyo marka aad doonaysid inaad ogaato inay ka baxdo dalka Shiinaha dhamaantii ammaba ay xidho Mashiinka Shabakadeeda wax laga baadho ee Shiinaha.

Jariirada Financial Times ayaa ilo xogogaal ah ka soo xigtay in shirkadda Google inay  Xidhi doonto Mishiinkeedda raadinta xogta ee Shiinaha. Hasse ahaate wali ma cadda go’aanka shirkadda Google.

Ilaa laba bilood ka hor ayay ahayd markii shirkadda Google cadaysay in aanay u hogaansami doonin shuruucda adadag ee Beijing oo ay ku jirto in dawladdu gacan mariso ama Faaf-reebto wixii la galinayo Serverka Google, waxay dad badani ku taliyeen in Google iskaga baxdo Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, Warqad ay ku saxeexantahay Wakaaladda wararka Shiinaha Xinhua, ayaa ku doodaysay in Google ay balan qaaday inay u hogaansanto shuruucda shiinaha markii ay soo galaysay suuqa saxaafadda Shiinaha.

“Ka Bax Dalkayaga” waxa qoray mid ka mid ah dadka ku nool magaaladda Beijin. Qoraalkani waxa uu ku soo baxay shabakadda wadaniga Shiinaha , Global Times (www.huanqiu.com), taas oo raadkeedii kiciyay akhristayaal badan.

Dhanka kale dawladda shiinaha ayaa cadaynaysa in, kaliya waxani ku kooban yihiin muran ganacsi iyo dhaqaale ee aanay waxba u dhimayn xidhiidhka Maraykanka iyo Shiinaha (Sino-American).

Haddaba tirakoob laga sameeyay shiinaha ayaa lagu xaqiijiyay in 80% dadkii ka soo jawaabay ay sheegeen inaanay wax dan ah ka lahayn bixitaanka Google. Google oo ah suuqa internetka ee Aduunka ugu wayn, lana tilmaamo in ay isticmaalaan in ka badan 384 million qof.

Dhanka dawladda Maraykan-kana” Khabiir dhawaan u hadlayay shabakadaha maraykanka ayaa sheegay in ay daraasad ku samaynayaan in ay si sharci ah u cadaadiyaan sharciyadda internetka ee Shiinaha.

Related posts:

  1. Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta ku xukuntay Shirkadda Xawaaladda AMAL EXPRESS inay daabacdo Kutub
  2. Shirkadda Dahabshiil oo la guddoonsiiyey abaalmarinta 40 sannadood oo adeeg bulsho oo hufan ah(Award for Excellence in the Community)
  3. Shirkad laga leeyahay Maraykanka oo tabarta AMISOM iyo DKMG
  4. Sh. Cutmaan Macalin oo ka jawaabo su,aalo Diiniya oo ah “Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?”
  5. QM oo mar kale ku celisay inay kordhineyso kaalmooyinka Soomaaliya

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1070

Posted by on Mar 23 2010 Filed under TECHNOLOGY. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com