Canada oo sheegtay inay qalabeynso ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya si ay ugu guuleystaankuwa ka soo horjeeda
Bariisle:Monday 29 March 2010(CANADA)Wasaaradda difaaca dalka Canada ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay inay qalabeyn u sameyn doonto ciidamada dawlada KMGS si ay uga adkaadaan xoogaga kasoo horjeday ee ku sugan qeybo fara badan oo Somalia ka mid ah.Warkaan oo lagu qoray bog inter-net oo afka wasaaradda gaashaanshiga wadanka Canada ayaa waaa sidoo kale lagu sheegay in dawlada Canad ay diyaar u tahay
in dawlada KMGS ku saacido hawlgalka ay ku dooneyso inay ku qabsato amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho isla markaana ay dawlada ugu deeqeyso saanad Milltary oo ay ciidamada dawlada qalabeyn u sameyn doonto.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca dalka Canada ayaa tilmaamay in qorshaan ay ku qalabeynayaan ciidamada dawlada KMGS ay ahay mid ay horey u ansixiyeen golaha wasiiradda dalka Canada waxaana afhayeenku intaasi ku daray in dawladoodu ay doorkooda ka qaadan doonaan qorshaha Midawga Yurub uu ku tababarayo cutubyo ka tirsan ciidamada dawlada KMGS oo haatan qaban qaabadeedu ka socoto dalka Uganada.
Dhawr dawlood oo rer galbeed ah ayaa horey u shaaciyay inay ciidamada dawlada KMGS ku saacidayaan agab ciidan walaw aysan haddana muuqan wax tilaabo ah oo ay horey u qaaden ciidamada dawlada KMGS oo iyagu dagaalo kula jira xoogag si weyn u mucaaradsan joogitaanka ciidamada AMISOM ee Somalia.
Related posts:
- Ururka Midawga Yurub oo sheegay inay dhawaan tababar u furi doonaan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa dawladda KMG ah ee Soomaaliya
- Ururka Midowga Yurub oo sheegay inay kordhinayaan muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya
- DKMG oo sheegtay inay wada shaqeeyaan CIA-da Maraykanka
- Madaxweyne Shariif oo caalamka ka dalbaday inay u tababaraan Ciidamada DKMG.
- Ciidamada nabad sugida dowladda KMG oo maanta ishortaagay kulan Muqdisho ay ku yeelan rabeen xildhibaano ka soo horjeeda Xukuumada KMG ee Soomaaliya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1251












