Dowladda wadanka Ruushka oo Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.
Bariisle:Monday 29 March 2010(MOSCOW)Dowladda wadanka Ruushka ayaa Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxaa ay u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.
Markab dagaal oo ah kii 4-aad islamarkaana ah nuuca wax bur buriya oo lagu magacaabo Marshal Shaposhnikov kaasoo ka soo dhaqaajiyay xeebaha wadanka Ruushka 24-ka bishii February ayaa maanta soo gaaray xeebaha wadanka Soomaaliya si uu qeyb uga noqdo ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda ee wadanka Ruushka.
Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ay la socdaan labo markab iyo ciidamo fara badan kuwaasoo si aad ah u qaabilsan una tababaran ka hortaga falalka burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha wadanka Soomaaliya.
Waxa uu intaasi ku daray in markabkaani loogu talagalay ilaalinta maraakiibta ganacsi ee mareysa gacan biyoodka cadmeed.
Si kastaba ha ahaatee, maraakiibta dagaalka ee wadanka Ruushka ayaa ku biiray kuwa caalamiga ah ee ka kala socoda midowga Yurub, Mareykanka , Iiran, Turkiga iyo dalal kale kuwaasoo dhamaantood ku howlan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida bishii October ee sanadii 2008.
Related posts:
- Burcad badeeda Soomaalida oo qafaashay 3-Markab oo laga leeyahay wadanka Thailand oo mararyay meeel ka fog xeebaha Soomaaliya.
- Markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Iiraan oo si xoog ah uga bad baadiyay kooxaha burcad badeeda Mar ganacsi oo isna laga lahaa wadanka Iiraan.
- Afhayeen u Hadley Burcad badeeda Soomaalida oo maanta sheegay in ay sii kordhinayaan weerarada Maraakiibta shisheeye ee mara xeebaha Soomaliya.
- Maraakiib dagaal oo soo gaaray Xeebaha Somaliya
- Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sii daayay labo Doomood oo laga leeyahay dalka India.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1263












