Ururka Codka Haweenka laga Tirada Badan yahay ee{ VOSOMWO } oo 35 xubnood Tabara u Furmay Ku saabsan sidii ay Dar-dargalinlahaa ka Qeyb galka Siyaasada Talada Dalka

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Codka  haweenka laga tirade badan yahay ee VOSOMWO isla markaana Maalgalisay NED.

 Bariisle:Tuesday 30 March 2010(HARGEISA)Gudoomiye ku xigeenka komishanka xuquuqul insaanka somaliland Xasan sh. Maxamed aw cali ayaa axadii doraad aqoon is weydaasi halmaalin socday Hargeisa gaar ahaan huteelka Dalxiis restaurant  uga furay 35 xubnood oo ka kala socday ururada bulshada, Cuqaasha, Salaadiin, iyo Aqoonyahano ka tirsan dadka laga tirade badan yahay ayaa uga .

Aqoon is weydaarsigan oo ay lagaa hadlayey sidii loo dardargelinta lahaa sidii dadka hal-doorka ah ee ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco uga qay qaadan lahaayeen siyaasadda dalka oo ay sheegeen in imika ay ka maqan yihiin ayaa waxaa maalgalisay hay’adda calamiga ah ee NED, waxaana fuliyay ururka haweenka beelaha lag tirade badan yahay ee VOSOMWO.

Munaasibadii furitaankan siminaarka oo ahaa mid muhiim u ah dadka hormoodka u ah beelaha la hayb-sooco, ayaa ka qayb-galay shakhsiyaad muhiim u ah dadka  laga tirade badan yahay, Gudoomiyaha ururka  VOSOMWO Nimco Eid Sallan ayaa ka warantahay ujeeddada ay ka leeyihiin tobobarkan iyo tabobaro sidan oo kale ah oo ay sheegtay in ururkoodu mar walba qabto waxayna tilmaantay in hadafka ugu weyni yahay sidii dadka laga tirade badan yahay ay u helilahaayeen xuquuqdoodda aasaasiga ah ee ka maqan sida ka qayb qaadarashad siyaasadda dalka iyo waliba horumaninta xag kasta.

Marwo Nimco Iid  waxaa kale oo ay sheegtay in aqooon is weydaarsigani qayb ka yahay barnaamij ururkoodu ugu talla galay in uu ku wacyi geliyo beelaha laga tirade badan yahay sidii ay doorashooyinka soo socda u heli lahaayeeen saamigooda iyado oo carrabka ku dhufatay in  golayaasha qaranku muddooyinkii u dambeeeyey wadeen mooshin kooto ay ugu xidhayaan sidii ay haweenku saami go’an uga qaadan lahaayeen golayaasha qaranka sida golaha wasiirrada, Barlamaanka {Guurtiga iyo Wakiilada} sidaasi si la mid ahna uu ururkoodu ku hawlan yahay isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doono sidii a beelaha la hayb-sooco kooto ugu heli lahaayeen saamigooda xaga ka qaybgalka siyaasadda.

Gudoomiyihuru waxaa kale oo ay u soo jeedisay  guud ahaan dadka la hayb-soocaa in ay fadhiga ka kacaan oo ay raadsadaan xaqooda kaga  maqan beelaha kale ee ay walaalaha yihhin, Gud. Nimco waxaa kale oo ay u mahadnaqday  dadkii ka soo qaybgalay iyo waliba hayadda NED oo ah Haayada Maalgalisay aqoon is waydaarsigan iyada oo sheegtay in ay marar badan ka taageertay barnaamijyo kala duwan oo ku qotomo beelaha la hayb-sooco .

Waxaa kale oo ka hadlay madasha Boqorka Beelaha laga tirade badan yahay Boqor Axmed Iiman Warsame oo isaguna ka hadlay furitaankii kulankan ayaa si qoto dheer uga warramay sooyaalkii taariikheed ee ay ku noolaayeen beelaha la haybsooca iyo sida ay uga qatanaayeen xaqoodda, waxaana uu soo jeediyay in hadda wixii ka dambeeya ay fiiro gaar ah u yeeshaan daboolida wixii ka maqan.

Boqor ahmed waxaa uu u mahadnaqay u soo jeediyey ururka VOSOMWO oo uu ku tilmaamay in uu yahay urur wax badan u qabtay horumarka beelaha la hayb-sooco, Gudoomiye ku xigeenka komiishanka xuquuqul insaanka Mr. Xasan Sh. Maxamed aw Cali, oo isaguna halkaa ka hadlay isla markaana furay siminaarkan ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyay ururka VOSOMWO iyo Hayaddaha ka Caawisay tobobaradan iyo aqoon is weydaarsiyadda sedan oo kale ah .

Ururka VOSOMWO oo ah urur ay ku bahoobeen haween ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco ayaa inta badan qabta tabbato aqoontoodo sare loogu qaadayo dadka la hayb-sooco si ay xaqooda iyo waxa ay waajibaad u leeyihiin u soo dhacsadaan, kulanka waxaa uu ku soo gabagaboobay waji farxad leh.

MAHADCELIN,

GUD. NIMCO EID SALAN

And All VOSOMWO Staff members

HEAD OFFICE: HARGEISA

          SOMALILAND.

Related posts:

  1. Kulan Lagaga Hadlayey Sidii Dadka Laga Tirada Badan yahay uga Qaybqaadan Lahaayeen Siyaasadda Hoggaaminta Talada Dalka.
  2. Ururka Codka Haweenka Laga Tirada Badan yahay Ee VOSOMWO oo Tobabar uga Furmay Magaalada Berbera 30 Qof oo ka mid ah Beelaha la Heyb-sooco
  3. Xuquuqda ka qayb galka Siyaasada ee beelaha la hayb sooco Waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka VOSOMWO
  4. Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Codka haweenka laga tirade badan yahay ee VOSOMWO isla markaana Maalgalisay hayada Caalamiga ah ee NED .
  5. Ururka Codka Haweenka”VOSOMWO”Ee U Dooda Xuquuqda Beelaha Gabooye Oo Siminaar Ku Qabtey Burco-Hotel Barwaaqo.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1325

Posted by on Mar 30 2010 Filed under AR.BULSHADA, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com