Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose oo sheegay in ay waxyeeleeyeen mid kamid ah Diyaarado Joog hoose ku duuliyay magaalada Marka.

Bariisle:Tuesday 30 March 2010(MARKA)Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu sheegay in ay waxyeeleeyeen mid kamid ah Diyaarado Joog hoose ku duuliyay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

 

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gacanta ku haya gobolka Sh/hoose ilaalo gaar ah ay ka hayeen xeebaha magaalooyinka Marka iyo Baraawe oo bilihii ugu dambeeyay ay dul heehaabayeen Diyaaradaha dagaalka nooca loo yaqaano Helicopterka ayaa waxaa maanta barqadii Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ku sugan magaalada Marka ay rasaas iyo Gantaalaha Garbaha laga tuuro la beegsadeen labo diyaaradood oo nooca Helicopterka loo yaqaano.

Mas’uul katirsan Saraakiisha maamulka Xarakada Mujaahidinta Al Shabaab ee magaalada Marka ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in mid kamid ah Diyaaradahaasi ay waxyeelo u geysteen islamarkaana ay dib ugu laabteen gudaha Badda.

Dadka ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa maanta waxa ay hadal heentooda ugu badneyd Diyaaradahan ay maanta Ciidamada Xarkada Mujaahidiinta Al Shabaab rasaasta iyo Gantaalaha ay la beegsadeen.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gacanta ku haya magaalooyin kamid ah gobolka Sh/hoose ay weerar la beegsadaan Diyaaradahan iyagu caadaystay mudooyinkii ugu dambeeyay in ay joog hoose ku maraan magaalooyinka Baraawe iyo Marka.

Todobaadkii aynu ka soo gudubnay ayay aheyd markii Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gacanta ku haya magaalada Baraawe ay iyagu rasaaseeyeen Diyaaradahan oo iyagu dul heehaabayay todobaadkii aynu ka soo gudubnay Hawada magaalooyinka Marka iyo Baraawe.

Related posts:

  1. Diyaarado Jawi hoose ku duulaya oo maanta lagu arkay Xafaado ka mid ah magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.
  2. Qarax waxyeelo u geystay Waaliga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo xalay ka dhacay degmadasi.
  3. Diyaarad Helicopter ah oo weerar ka fuliysay Magaalada Marka ee G/Sh/hoose
  4. Maxkamada Darajada Kowaad ee Magaalada Garoowe oo Maanta Xukun dil ah ku riday nin la sheegay in uu ka tirsanaa Xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab.
  5. Dowladda Ingiriiska oo ka mamnuucday Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab in ay dhaqdhaqaaq ka sameyso gudaha wadankaasi

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1273

Posted by on Mar 30 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com