Qarax ay dadi ku dhaawacmeen oo saakay ka dhacay beer meel ku dhow degmada Afgooye uu ku lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Bariisle:Tuesday 30 March2010(Muqdisho)Qarax ay dadi ku dhaawacmeen ayaa saakay waxaa uu ka dhacay beer meel ku dhow degmada Afgooye uu ku lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Max’ed.
Qaraxaani oo nuuciisu uu ahaa bamka gacanta laga tuuro oo dhawaqiisa si weyn looga maqlay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Sobyo oo 10 km u jirta degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay ku taalo Beerta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Max’ed.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxaasi u dhacay iyo waxyaabaha sababay waxaana qaar ka mid ah wararkaasi ay sheegayaan in qarxaasi uu ka qarxay ilaaladii beertaasi,waxaana inta la ogyahay qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa sedax ruux oo beerta ku sugnaa.
Dhaawaca dadkaani ku waxyeeloobay qaraxa ayaa waxaa loola cararay isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.
Majiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo Maamula halka uu qaraxaasi ka dhacay waxaana qaraxaani saakay si weyn u hadal haya dadka degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow.
Related posts:
- Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ciidamada dowladda Lagula eegtay Isgoysks Ex Contarol Afgooye iyo Xarakada Al Shabaab oo sheegtay.
- Madfac ay dadi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo ku dhacay gaari Homy ah oo marayay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho.
- Qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka 21-Oktoobar ee degmada Waabari
- Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo kooxo burcad badeed Soomaali ah ku dhexmartay meel u dhow degmada Baargaal ee gobolka Bari.
- Qarax waxyeelo u geystay Waaliga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo xalay ka dhacay degmadasi.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1268












