Xaalka Beesha Gabooye Waa Dad Cun Iyo Daadufyaa Hadhay Qaliinkii-{Dr. Mustafa Ismaaciil Dhinbiil}

Bariisle:Tuesday 30 March 2010(DOHA)Taariikhdu waxay u tahay aadamaha shay noloshooda iyo masiirkooda beri qayb ku yeesha dadkuna waxay ka faaiidaan sixitaanka qaladaadkii dhacay ee soo maray si aanay dib uga dhicin waxa kale oo ay sidaasoo kale faaiido ugu yeelataa guulahii iyo waxtarkii ay sameeyeen oo markaa inta dib loo eego wixii wax ku oolka ahaa ee la gaadhay hore loogu sii socda lana sii kordhiyo

Waxaan uga goleeyahay marka aan taariikhda dib u raacno beelaha hoos loo eego ee la yidhaahdo waa laga tiro badan yahay dadna ugu yeedhaan Gabooyaha ayaa soo maray waayo adag marka la eego mushtamaca noloshiisa waa duruufo xanuun badan oo shakhsi kasta oo ka dhashay beelahan xanuunka soo maray uu la god galo oo aakhiro la tago waana wax somaalida oo dhami wada og yihiin waxaanse u soo araranayaa dhibaatada xanuunka badan oo aanan halkan kaga sheekayn karin sidii looga talaabsan lahaa ama looga gudbi lahaa dadaal intee leeg iyo halgan intee leeg ayay sameeyeen beelahani taariikhdii la soo maray iyo wakhtigan maanta aynu ku jirno waa maxay ku tala galkoodu

Hadaba waxa ay tahay in aynu xusno beelahani mugoodi inteebuu leeg yahay beelahani waa dhawr reer oo aan tiro ahaan iyo tayo ahaanba aan yarayn waxaana laga sheegi karaa Muusa dheriyo Madhibaan iyo Tumaal oo inta badan ah reeraha ugu muga weyn ama la xusi karo balse ku kala tagan ama ku kala duwan deegaanka ay kala joogaan in kasta oo ay ka siman yihiin dulmiga iyo dhibaatada lagu hayo oo mid walba halkiisa ku habsatay waana ta qudha ee ay ka midaysan yihiin

Waxa aan u gol leeyahay inaan xuso dadaalka ay sameeyeen wakhtiyadii la soo maray si ay uga baxaan dulmiga iyo dhibaatada guunka ah ee lagu hayo iyo xaalku sida uu maanta yahay ama dadaalkooda maanta isla markaana aan ku sameeyo ( comparision )

Waxa jirtay wakhtiyadii la soo maray sida aan ku hayo taariikhda wakhtigii gumaysiga ingiriiska inay dhacday deegaanada loo yaqaan iminka Somaliland in uu Ingiriisku qorayey xeerarka u dhexeeya qabaailka wadanka degan ee ay ku dhaqmaan waxa ka mid ahayd marka la qorayey waxa u dhexeeya qabaailka hadii noqoto magta waxaanay beelihii wadanka deganaa ay isku raaceen hadii ay noqoto mag ay noqonayso boqol halaad marka laga reebo beelaha ay ku sheegeen Midgaan iyaga oo markaa isku raacay in magta Midgaanku ay noqoto konton halaad waxaase dhacday halgan ay ka galeen beeshii markaa deganayd halkaas oo ahayd beesha Muuse dheriyo halkaas oo ahayd Somaliland halka iminka loo yaqaano waxaana ku guntaday oo dagaal iyo doodba galay ragii wakhtigaa joogay oo ahaa geesiyaal ay tahay in taariikhdu xusto oo aan iminka magacoodii xusi karo waxa ka mid ahaa Diiriye Cumar Xagaa – Jaamac Rooble Xagaa – Aw Diiriye Guuleed – Dhuule Cali – Cismaan Buuri iyo rag kale oo badan halgankii ay galeen wakhtigaas waxay keentay in magta beelahani ay noqoto mid la mid ah ta beelaha kale oo ah boqol halaad laakiinse waa wax ku yimid halgan aad u adag oo ay galeen sidaas ayaanay ku meel martay oo ilaa maanta ay yihiin dad la mid ah dadka kale

Wuu badnaa halganka ay galeen waxaanan xusi karnaa geesiyaal ku jira taariikhda oo leh Muuse iyo Madhibaanba oo qaar badani ku jiraan gabayada qabaailku isu tirin jireen oo ka gilgishay fool xumo iyo quudhsi taariikhda geli lahaa oo qaarkood dhiig iyo dagaalba galeen waxaanse aragtidayda iyo dulucda hadalkaygu u badan yahay halagan iyo dadaal sidaasoo kale ahi wuxuu u baahan yahay cudud midaysan iyo wada jir ay tahay in loo galo wixii markaas loo arko in ay dan u tahay mujtamacan dulman sidii ay uga bixi lahaayeen faquuqida iyo quudhsiga noloshooda kala dhantaalay

Midnimo iyo wadajir ay beelahani yeeshaan waxa dadaal u soo galay halyeyo geesiyaal ahaa oo wakhti badan oo noloshooda ah u huray sidii loo midayn lahaa mujtamacan oo ay u noqon lahaayeen cudud midaysan oo muuqan karta waxay ku dadaaleen in la helo magac ay ku midoobaan oo midayn kara beelahan oo ah qaar aan isir ahaan ama ab ahaan aan waxba wadaagin waxay dadaal sidaas oo kale ah u galeen inay yeeshan deegaan kaas oo keeni kara inay tuuraan dulmiga raagay waxa kale oo ay dadaal u galeen inay isku xidhaan oo noqdaan qaar qaybsada balo iyo barkhadba ragii dadaalkaa galay waxaan ka xusi lahaa Haybe Mire – Xaaji Cabdilaahi Cismaan Buuri – Nuur Waal – Aw Dambi – Maxamed Diiriye Cumar – Dagaal Xayd iyo qaar kale

Wakhtiyadii dhexe ee dowlada Somalia shaqaynaysay ayaa ahaa wakhti aad mihiim u ah maadaama ay jirtay dowlad loo sheegan karo dhibaatada jirta marxaladan oo ahayd mid degan in kasta oo uu jiray dulmigu iyana waxa kacay rag geesiyaal ahaa oo qaatay kaalintoodii halkiina ka sii dhaqaajiyey halgankii waxaanay xooga saareen midaynta beelahan iyo sidii loo heli lahaa astaamo ay yeeshaan beelahani inta aan ka fahmay astaamahaas oo ah in beelahani ay yeeshaan madax dhaqameed hogaamiya oo beel walbaaba ay yeelato iyo magac ay ku mideeyaan dadkan oo ay jiraan in badan oo ay ku kala duwan yihiin waanay ka dhabeeyeen riyadoodii waxaanay markaas keeneen wax astaan u noqda oo markaas ay isku raaceen inuu noqdo magaca Gabooye kaas oo reer walba halka uu joogo ka qaadanayo magacaas iyada oo aan la kala sheeganayn wax ka hooseeya si markaas ay u noqdaan reer jira oo cududooda iyo tiradooduba u muuqan karto waxa kale oo ay ku guulaysteen inay sameeyaan madax dhaqameed ay yeeshaan beelahani inta aan hore u lahayn reer walbaana uu yeesho Suldaan la yaqaano oo markaas qayb ka ciyaari kara halganka ay u baahan tahay beeshani ee ay ku doonayeen inay kaga saaraan beelahan dulmiga iyo quudhsiga naafeeyey waxaanan ragaa ka xusi karaa halyeygii weynaa ee Cabdi Ismaaciil Mire ( Shiine sooyad ) iyo Faarax Dhinbiil – Xuseen Yuusuf Tarabi – Maxamed Maxamuud Xayd – Cismaan Dcaale – Maxamed Xaashi Caraale iyo qaar kale oo badab

Wakhtigan waxaad mooda inay guulo waaweyn ka gaadheen midaynta beelahan iyo inay noqdaan qaar muuqda oo ka mid noqday reeraha somalia ka jira oo markaas helay citiraafkii reer ahaaneed isla markaasna ay suurtowday inay is arkaan beelahani inay yihiin qaar jira oo hadii ay midoobaan ama ka hadlaan dhibaatada lagu hayo in uun keeni kara wax la sheego iyo inay ku dhiiradaan inay is muujiyaan oo magacooda iyo reerka ay yihiin wax ku doontaan waxay ahayd marxalad ay beelahani waxooga madaxa la kaceen oo ay heleen kalsooni iyo aqoonsiga inay yihiin beel jiritaankeeda aan cidina muran gelin karin waanay dhabowday waanay muuqatay

Marka laga hadlo wixii ka dambeeyey burburkii Somalia waxa halgan weyn laga galay deegaanka Somalida Ethiopia oo ah bogcad kale oo beelahani deegaan ku leeyihiin mujtamac badanina ka joogo waxaana markiiba lala jaan qaaday somaalidii halkaa joogtay waxaana laga sameeyey xisbi ay leeyihiin beelahani oo la yidhaahdo Gabooye oo si fiican u hana qaaday guul weyna laga gaadhay waxaana halkaas ka dhashay kacaan ay dadkani ku muujiyeen tiradooda iyo tayadooda taasina waxay noqotay iftiin kale oo muujiyey in laga talaabasaday dulmigii foosha xumaa waxaanan odhan karaa waa lagu guulaystay halgankaas 100% waxaana hogaaminayey Suldaanka beeshan oo dhalinyaro ahaa Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil waxa kale oo ku jiray siyaasiyiin iyo mutacalimiin tayo leh oo ay ka mid ahaayeen Cali Maxamuud Saban – Jeex – Cabdilaahi Maxamed Jaamac Fantamas – Maxamed Cabdi Cige iyo aniga oo ah Mustaf Ismaaciil Dhinbiil iyo dad aad u tiro badnaa waxa kale oo suurto gashay in jaaliayadaha dibada ay kaalin weyn ka qaateen oo dhan walba ah siiba dhaqaalaha

Wixii intaas ka dambeeyey oo lagu guryo noqday wadankii waa Somaliland waxa soo baxay goldaloolooyin beesha ah oo inta badan ka soo baxay dhinaca beeshan oo ah iyada oo ay soo baxeen dad aad u tiro badan oo isdhexyaacaya oo sheeganaya madax dhaqameed iyo in kale oo badan oo waxay doonayaan aan la garanayn oo afka dhulka u geliyey halgankii iyo hadafkii beesha ee ahaa sidii looga bixi lahaa dulmiga aafeeyey beeshan kuwaas oo aad arkaysid inay sheeganayaan madax ama hogaamiyayaal beeshan ah balse aan ku socon dariiqii looga bixi lahaa dhibaatada haysata dadkan mararka qaarna aad arkaysid inay gargaarayaan in dulmiga iyo quudhsiga iyo dayacnaanta dadkani ay ka joogaan wadankii ay u dhasheen iyada oo aad arkaysid inaan mujtamaca Somaliland aanu waxba u diidanayn waxaan jeclaystay inaan xuso kuwaas sheegana madax dhaqameedka iyo kuwa kalaba inaanay marnaba ogayn halgankii iyo halyeyadii muadada dheer soo jiray iyo waxa beeshani ay tabanayso iyo aafada ku dhacday dadkan ee ay ahayd inay ka muujiyaan fagaarayaasha

Waa kaa xaalada beeshani maanta ay ku sugan tahay waxaanan jeclahay inaan muujiyo inaanay jirin wax dareenkooda ay ku jirto dulmiga iyo quudhsiga noloshii u qadhaadheeyey umadan iyada oo maanta ay xaqiiq tahay in dadka reer somaliland aanay diidanayn in meesha laga saaro aragtidii xumayd iyo dhibaatadii lagu hayey umadan balse ay meesha ka maqan yihiin ragii u kici lahaa ee ka hadli lahaa ee hanan lahaa dadaalkii loo baahna isla markaana kasban lahaa aragtida dadka reer somaliland oo ah maanta dad bisil oo ogol in laga hadlo dhibaatada ragaadisay mujtamacan waxna loola qaban lahaa waana dhab inay noqdeen niman iyagu uun is eryana oon ka turjumayn danaha iyo duruufaha beeshani leedahay waxa kale oo ay soo kordhiyeen tafaraaruq iyo inay kala jebiyaan dadkaas aanu ka hadlayno oo ay jibsin jibsin u kala saareen iyaga oo sheegana madax dhaqameed iyo salaadiin aanad garanayn meel lagu doortay iyo goor la caleema saaray waxaana runtu ay tahay wax ay ka qabtaan dhibaatada dadkan daaye way sii kala jebiyeen oo way uga sii dareen waxaan xasuustaa ninkii yidhi ( dad cun iyo daadufyaa hadhay )

Waxaan u sheegi lahaa dadka inta wax fahmaysa ama indheer garadka ah Somaliland waa meesha qudha ee beeshan wax looga ogol yahay waxase ku hadhay dad aan ogayn danaheena iyo duruufaheena markaas waa in meesha laga kacaa oo wax laga qabtaa sidii midnimada beesha iyo dhibaatada quudhsiga ee qarniyaasha haysatay looga hadli lahaa isla markaana dib u habayn loogu samayn lahaa haykalka beesha oo noqday mid lumay isla markaana loo sar goyn lahaa madax dhaqameed tiro yar oo wax qabad leh oo dhaqanka iyo danaha beeshaba ilaaliya hanana kara culayska ay leedahay hawsha ay u baahan tahay sidii looga gudbi lahaa quudhsiga iyo faquuqida isla markaana wallaalaheena somaaliyeed aynu wanaaga iyo dalka iyo dowladab ula qaybsan lahayn

Waa feker iyo dareen u yaala inta danaynaysa ama wax damqasho ah u leh halka ay ka soo jeedaan amaba lexejeclo ka hayso umadaas ka madhan madax u talisa oo yididiilo geliso jiilasha dambe in aanay ku dhicin quudhsi iyo dulmi

                            Waad mahadsan tihiin

Dr. Mustafa Ismaaciil Dhinbiil

E-mail:mustafadhimbil@yahoo.com

Related posts:

  1. Oday dhaqameedka Gabooye oo aan ogayn doorkooda iyo guuldarida beesha{Dr Mustafa Ismaacil Dhinbiil}
  2. Beelaha la yidhaahdo Gabooyaha iyo taariikh deegaankooda raadraac Taariikheed”Dr Mustafa Ismaaciil Dhinbiil”
  3. Cabdillaahi Cabdi Shibe Raxmat Laahi Caleeh balse akadamiyada dadka la hayb sooco{Dr Mustafa Ismaaciil Dhinbiil}
  4. Hanbalyo! Mujaahid Maxamed Nuur Mooga oo ku jira halgan xallaal ah!{Dr Mustafa Ismaaciil Dhinbiil}
  5. Hadii aanay ka muuqan beesha Muuse Dheriyo dowlada Somaliland waa dowlad qabyo ah oon ka wada turjumayn danaha reer Somaliland{Dr Mustafa Ismael Dhinbiil Gaboye rights activist}

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1285

Posted by on Mar 30 2010 Filed under MAQAALO. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Xaalka Beesha Gabooye Waa Dad Cun Iyo Daadufyaa Hadhay Qaliinkii-{Dr. Mustafa Ismaaciil Dhinbiil}”

  1. bashiir

    asc waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan walaalaha mulimiinta oo somalidu inta badan ka aminsantahahay qalad; walalayaal waxaad ogaatan marka hore waxaa nasab ah ruuxii janada ilaahay galaa alla ka baqaa ,midgaan wax la yiraahdaa ma jiraan gabooye wax la yiraahdaa ma jiraan yuuxii ilaah raali geliyo ruuxaas ayaa nasab ah gabadhii xijaabataa xumaan oo dhan ka hertaa diinta islaamkaa bataraa kuna camal fasho gabadhaas ayaa diinta islaamku na faraysaa in la guursadaa waana tii uu nabigu nagala dardaarmay diyaarna waxaan uahay inaan gabadhii alla ka baqayso in aan guursadaa

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com