Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Xeebaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen burcad badeeda Soomaalida.

Bariisle:Wensday 31 March 2010(MUQDISHO )Waxaa maanta saldhiga boliiska dekada magaalada Muqdisho lagu arkayay ilaa 4 nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaali ah kuwaasi oo mid ka mid ah uu meyd ahaa islamarkaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada Midowga Africa ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska ee dekada weyn ee Magaalada muqdisho iyo Maariyeeyaha dekadaha oo Shabelle ay isku dayday in ay wax ka weydiiso ragaani gacanta lagu dhigay ayaa labaduba waxaa ay xaqiijiyeen in ay hayaan kooxahaasi burcad badeeda hase ahaatee waxaa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan halka laga soo qabtay ragaani la sheegay in ay ahaayeen burcad badeed.

Waxaa ay sheegeen in arintaasi ay faah faahin ka bixin karaan oo kaliya taliska ciidamada Midowga Africa oo sida ay sheegeen markii hore gacanta ku soo dhigay ragaani lagu eedeeyay in ay burcad badeed yihiin, mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada midowga Africa ee ku sugan Muqdisho kaasoo ku aadan ragaani ku jira xabsiga dekada weyne ee Magaalada Muqdisho.

Talaabadani ragaani lagu soo qabtay ayaa timid kadib markii kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay bilaabeen in biyaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku dhow xeebaha Magaalada Muqdisho ay ka afduubaan doonyaha iyo maraakiibta u raran ganacsatada Soomaalida taasoo ay ugu dambeysay doontii lagu magacaabayay Hareeri oo horay badeeco u keentay dekada Muqdisho hase ahaatee shalay markii ay halkaasi ka sharaacatay ay dhex ku qabsaadeen burcad badeeda Soomaalida.

Related posts:

  1. Ururka Midowga Yurub oo ugu baaqay dalalka Afrika in ay ogolaadaan in dalalkooda lagu Maxkamadeeyo burcad badeeda Soomaalida.
  2. Burcad badeeda oo gacanta ku dhigay Markab laga leyahay Algeria.
  3. Ciidamada badda Turkiga oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen in ka badan 10 ruux oo ka tirsan kooxo burcad badeeda Soomaali ah.
  4. Afhayeen u Hadley Burcad badeeda Soomaalida oo maanta sheegay in ay sii kordhinayaan weerarada Maraakiibta shisheeye ee mara xeebaha Soomaliya.
  5. Dowladda wadanka Ruushka oo Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1352

Posted by on Mar 31 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com