Madaxweynaha dalka Kenya oo diiday dalab uga yimid Madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa in ciidamo lagu tababaray Kenya loo soo diro Soomaaliya.

Bariisle:Wensday 31 March 2010(NAIROBI )Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki  ayaa diiday dalab uga yimid dhigiisa dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo ku aadanaa in ciidamo Soomaaliyeed oo lagu tababaray Kenya loo soo diro Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa gaashaanka u daruuray codsi dowladda KMG oo ku aadanaa in loo soo diro dalka Soomaaliya ciidamo Soomaali ah lagu soo  tabababray dalka Kenya kuwaasoo  dowladu qorsheynaysay in ay qeyb ka noqdaan duulaanka dowladda KMG ay doonayso in ay ku qaado xoogaga ka soo horjeeda.

Nuqul qoraal ah oo bishii March 21-keedii soo gaaray Wakaalada Wararka Ap ayaa waxaa uu ka codsaday madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki in ay ku soo wareejiyaan 2500 oo askar Soomaali ah oo lagu tababaray dalkaasi Kenya si ay qeyb ugu noqdaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya balse madaxweynaha dalka Kenya ayaa diiday hadalkaasi isagoo intaasi ku daray in sababo dhinaca amaanka ah ay u baqayaan.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya oo lago Magacaabo Alfred Mutue oo ka gaabsaday in uu faah faahin dheeri ah ka bixiyo sababaha keenay in Kenya ay diido in ay ciidamada lagu tababaray dalkaasi loo soo diro Soomaaliya ayaa xusay in Kenyaatigu ay mudnaanta koowaad siinayaan amaanka wadanka Kenya oo uu sheegay hadii ciidamadaasi la soo diro ay daciifnimo dhinaca amaanka ku noqon karto dalkaasi Kenya.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo la hadlayay saxaafada ayaa yiri “ waan taageersanahay dowladda kMG ee Soomaaliya waana dowlad jirta oo ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay, waa dowlad aan ku marti galinay Kenya, waxeynu nahay saaxiibo laakiin wax ciidan ah nooma qoorsheysna in aan hada u soo dirno Soomaaliya oo ay ka soo talaabaan xadka Soomaaliya iyo Kenya si toosna ahna ay u tagaan magaalada Muqdisho”

Ciidamadaan lagu soo tabababray dalka Kenya ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysaa 2500 oo askari waxaana mudo 5 bilood ah lagu tababaarayay xarumaha militari ee dowladda Kenya lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa diidmada dowladda Kenya oo ah in ay dowlada KMG u soo dirto ciidamadaasi.

Related posts:

  1. Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi iyo madaxweynaha oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
  2. Dowladda Kenya oo sheegtay in rabshadaha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin xaaladaha amaanka ee wadanka Kenya.
  3. CUMAR C/RASHIID: “Madaxweyne Sheekh Shariif awood uma lahan inuu kala diro Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ridi kara oo keliya Baarlamaanka”
  4. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
  5. Madaxweyne Sheekh Shariif oo la leh Saraakiishiisa Ciidamada Kulamo xasaasi ah iyo Madaxweynaha oo gashtay Tuute Cusub

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1347

Posted by on Mar 31 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com