Wax aanu halkan ka cadeyneynaa in arrintii ahayd dhiigii marxum Khadar uu wakiil ka yahay in aan la qaadi Karin ( Axmed Iman Warsame)
Bariisle:Wensday 31 March 2010(Kuwait)
KU: Wasiirka Arrimaha Gudaha Date:30/03/2010
OG : Wasiiru Dawlaha
OG : Guddoomiyaha Maxkamaddaha Gobalka Hargeisa
OG : Badhasaabka Gobolka Hargeisa
OG : Badhasaab Ku Xigeenka
CADEYN
Aniga oo ah Nimcaan Adan Cusmaan ahna Marxum Khadar Adan Cusman walaalkii iyo hooyaday iyo dhammaan walaalahay oo dhan gaar ahaan Muwliid Adan Cusmaan iyo Xamsa Adan Cusmaan, kaas oo ahaa ninkii askarigu badheedhka ugu toogtey magaalada Hargeysa. Wax aanu halkan ka cadeyneynaa in arrintii ahayd dhiigii marxum Khadar uu wakiil ka yahay in aan la qaadi Karin (Boqor Axmed Iman Warsame) oo qudha, anaga oo marnaba mag wax la yirahdo an qaadaneyn cidkalena aan wakiilan. Waxaan kale oon aad uga xunahay nimanka kale ee aanan garaneyn meel ay ka socdaan ee arrintan kula jira dhagar qabaha reer koodii anagoo aan diran inta ay is been fariimeen kolba meel kula shiraya, wax ay masuul ka yihiinna aanay jirin ee mashaakilka uun sii kordhinaya. Sidaas darted waxaanu ka codsaneynaa dadyawga halkan ku xusan in ay nimanka liiska 12ka qof ah aanay wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin dhiigaa marxuum Khadar aaney jirin. Sida aynuu aqoonsanahay ma jiro shareecada Islamka wax la yiraahdo (Gabar iyo Gabooye) uma sinna sharciga ama ha ahaado ka u yaala Somaliland, tanse hadda socotaa maaha mid illaahay xataa la xasuusan yahay.
Anagoo wali rajo ka qabna xukumadda Somaliland filaynana in il raxmad leh ay ku eegto dhagartaas sidii loo marin lahaa shareecada Islamka ama sharciga Somaliland u yaala. Haddi se wali naloo xoog sheeganayo waxaanu sugeynaa tii ilaahay.
“Allahuma laa tusalit aleyna mal laa yakhaafuka walaa yarhamuna”
Related posts:
- Balanqaadyadii kulmiye galay oo dhicisoobay!!{Kamaal khadar KHaliif (CaliGeedi)
- Gudoomiyhii Xaafada Daami oo loo Magacaabey Nin Gabooye ah!Jamaca Khadar C/laahi
- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo maanta la dhaariyay
- Muuse Dhariyo, Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna!{Aqoonyahan: Khadar Xussein Gabiley}
- Aan ku Dilo Hana Doodin!{Nasir Moxammed Ciise Caabi}Gudomiyaha Beesha Gabooye ee Qarada Europe W/America
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1358













