Dowladda Yugaandha oo shaacisay inaysan ciidamadeeda la baxay inta ay laga jabinayo Xoogagga kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya

Bariisle:Tuesday 06 April 2010(Muqdisho)Dowlada Yugaandha ayaa sheegtay inaysan ciidamadeeda ka saarayn Soomaaliya inta laga jabinayo kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Gen. Felix Kulayigye ayaa hadalkan ka sheegay goob deeq loogu ururinayay ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ciidankooda ay diyaar u yihiin inay qayb ka qataan soo celinta ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Lacagta loo ururiyay ciidamada Uganda ayaa waxay gaaraysaaa 20-Milyan oo Dollar waxaana Taliyahan uu sheegay in ciidamadooda ay iska difaaci doonaan weerar walba oo kaga yimaada kooxaha hubeysan ee Soomaaliya.

“Ciidamadeenu waxay ku sugnaan doonaan Soomaaliya inta laga xaqiijinayo amaanka guud ee dalka Soomaaliya, halkaasna waxaan u joognaa howlo nabadda lagu ilaalinayo” ayuu yiri Gen. Felix Kulayigye.
Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 2500-askari, kuwaasoo ilaalo ka haya xarumo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha, Dekedda Muqdisho iyo Xarunta Madaxtooyada halkaasoo fariisin u ah Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Maj. Behuko Brigiye ayaa dhawaan shaaciyay in Xarrakatul Shabaab ay doonayso inay qaraxyo ku weerarto xarumahooda Magaalada Muqdisho kaga sugan yihiin.

Related posts:

  1. Dowladda Senegal oo aqbashay in ciidamadeeda ay u soo dirto Soomaaliya.
  2. Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay oo isku raacay in aan waxba laga qaban Karin arimaha Soomaaliya inta laga helayo heshiis wadareed ay galayaan dhinacyada Soomaalida.
  3. Ciidamada nabad sugida dowladda KMG oo maanta ishortaagay kulan Muqdisho ay ku yeelan rabeen xildhibaano ka soo horjeeda Xukuumada KMG ee Soomaaliya.
  4. Mareykanka oo shaaca ka qaaday inuu gacan ka geysan doono sidii dowladda Soomaaliya ay dib ugu qabsan lahayd Muqdisho
  5. Canada oo sheegtay inay qalabeynso ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya si ay ugu guuleystaankuwa ka soo horjeeda

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1476

Posted by on Apr 6 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com