Kulan looga hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Gariiga oo shalay Athens ku dhexmaray dowlada Giriiga iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.
Bariisle:Thursday 08 April 2010(ATHENS) Kulan balaaran oo looga hadlayay fulinta balanqaadyo ay horay ugu sameeysay dowladda Giriiga qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ayaa shalay Magaalada Athens ee xarunta wadankaasi ku dhexmaray dowlada Giriiga iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.
Gelinkii danbe ee shalay ayaa waxa magaalada Athens ee caasimada dalka Giriiga ka dhacay kulan balaaran oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowlada dalkaasi Giriiga gaar ahaan madax ka socotay wasaarada qaabilsan arimah qoxootiga iyo gudoonka jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi.
Dr. Ilyaas Cali Xasan oo ah gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee dalka Giriiga oo idaacada shabelle la hadlay ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay daneenayeen dhinacooda ayna uga hadleen arimo ay kamid tahay in dowlada dalkaasi ay fuliso balanqaadyadii ay horay u sameysay ee ku aadanaa wax u qabashada Soomaalida dalkaasi iyo in ay helaan xuquuqdooda qoxootinimo iyo weliba in loo sameeyo balanqaadyo horleh oo ku aadan in la isgarabtaago dadkaasi oo dhibaato uga cararay dalkooda hooyo, waxuuna Dr. Ilyaas Cali Xasan sheegay in ay qaabilaad wanaagsan ka heleen masuuliyiintii ay la kulmeen ayna isku waafaqeen waxyaabihii ay kawada hadleen.
Dhinaca kale gudoomiyaha jaaalida Soomaalida ee dalka Giriiga Dr. Ilyaas Cali Xasan ayaa mar aanu wax ka weydiinay xaalada Soomaalidii ugu danbeysay ee dalkaasi tahriib ahaan u gashay, ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in sanadkan uu yahay sanad xanuun badan sida uu yiri islamarkaana ay jiraan Soomaali badan oo dalkaasi tahriib ahaan u gashay qarkoodna ay ku dhinteen xeebaha u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Giriiga, waxuuna carabka ku dhuftay in ay jiraan dad lagu xiray xabsiyo kuyaala jaziirado ay horay dad uga soo daayeen.
Ugu danbeentii gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida ee dalka Giriiga ayaa sheegay in dhawaan dalkaasi ay soo gaaridoonaan wafdi uu hogaaminayo wasiirka maalgashiga iyo arimaha jaaliyadaha dowlada KMG ee Soomaaliya C/laahi Axmed Azhari si ay uga wada hadlaan arimo anu intooda badan daaha ka rogin balse wasiirka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska, isagoo wadahadalo la lahaa jaaliyadaha Soomaalida ee qaar kamid ah dalalka Yurub.
Related posts:
- Dowladda Wadanka Giriiga ayaa mudo 15 maalin ah kadib waxaa ay sheegtay in ay siinayso sharci iyo Guryo ay degaan Qaxootiga Soomaaliyeed
- Dowladda wadanka Jarmalka oo lacago ugu deeqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti kadib wadahadal dhexmaray Jabuuti iyo Jarmalka.
- Dagaal saakay Qaxootiga wadamada Somaliya iyo Sudaan ku dhexmaray Xagardheer
- Burcad Badeeda oo afduubatay Markab watay Calanka Gariiga
- Dowlada Spain oo difaacday qorshaha ay saraakiil tababarayaal ah ugu direyso Wadanka Uganda si ay uga qeyb qataan tababarka ciidamda dowlada KMG.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1503












