khasaarihii ka dhashay duqeymo loo geystay qaar ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho Daawo (SAWIRIDA)

Bariisle:Tuesday 13 April 2010(muqdisho)Waxaa kordhay khasaarihii ka dhashay duqeymo culus oo shalay gallinkii dambe lagu garaacay xaafado ka tirsan Muqdisho, waxaana tirada dhimashadu ay gaaraysaa 28-qof, halka dhaawucu uu kor u dhaafay 90-qof.

Isbitaalka Madiina oo ah kii la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa ee duqeyntan ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof oo dhaawacyo halis ah qabay, iyadoo saakay lagu wado in la aaso dadkaas.

Duqeymahan ayaa waxay jawaab u ahaayeen Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho halkaasoo ay ka dhoofayeen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wafdi uu hoggaaminayay oo u socday dalka Yugaandha.

Madaafiicda waxyaallada ba’an geystay ayaa waxay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha iyo xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Wardhiigley, Hodan iyo Howlwadaag, waxaana dadka dhintay ay dhammaantood ahaa rayid aan dagaalka lug ku lahayn.

“Dhaawacyada aan qaadnay waxay dhaafayaan 90-qof oo aan geynay Isbitaallada Magaalada Muqdisho, dhimashada aan aragnay waxay iyaguna dhaafayaa in ka badan 17-qof, waxayna dhammaantood ahaayeen rayid” ayuu yiri Cali Muuse Sheekh oo ah Madaxa Hay’adda Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee NationLink.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay isugu jireen qaybaha kala duwan ee shacabka, waxaana madaafiic ku dhacay Garoonka diyaaradaha ay sababeen inay dhintaan laba qof sida uu sheegay Afhayeenka AMISOM Maj. Berighye Behuko.

Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay inaysan jirin askar ciidamadooda ka tirsan oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay afaafka hore ee Iskoolka Booliiska, halkaasoo ay ku sugnaayeen sida la sheegay in ciidamada AMISOM ay ku sugnaayeen markii ay dhacayeen qaraxyada.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen qaraxyada ayna ku dileen 17-askari oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Xaaladda Goobihii duqeynta culus loo geystay shalay gallinkii dambe ayaa saakay daggan, iyadoo aanay jirin wax madaafiic ah oo dhacaya, waxaana furay gabi ahaan Suuqa Bakaaraha oo ay saameyn xooggan ku yeesheen duqeymahaas.

Related posts:

  1. Madaafiic khasaare geystay oo maanta ku dhacay xaafado ka tisran degmooyinka Magaalada Muqdisho
  2. Dagaalo iyo Duqeymo waxyeelo geystay oo Galabta ilaa iyo Caawa Fiidkii ka dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
  3. Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
  4. Madaafiic dhimasho iyo dhaawac geystay oo ku dhacday Wardhiigley
  5. Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday Degmooyinka Muqdisho qaarkood, dardaaranna u jeediyay ciidamada dowladda

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1584

Posted by on Apr 13 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com