Madaafiic ay ku nafwaateen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo Maanta la isku weydaarsaday Xaafado badan oo ka mid ah Magaalada muqdisho.

Bariisle:Tuesday 27 April2010(Muqdisho)Madaafiic ay ku nafwaateen kuna dhaawacmeen dad rayid ah ayaa galabta la isku weydaarsaday Xaafado badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaani oo si goos goos ah ugu dhaxeysay Xaafadaha dadka rayid ah ee Magaalada Muqdisho ayaa bilowday Maanta duhurkii waxaana tiro Madaafiic ah ay ku soo dhaceen hareeraha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo Xaafadaha kale ee ku dhow dhow ee degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag.

Madaafiic ku dhacday Galabta gudaha degmada X/weyne ee gobolka Banaadir  ayaa waxaa ku dhintay  ku dhawaad 10 qof oo rayid ah halka dhaawacuna uu gaarayo in ka badan 15 kale kuwaasi Madaafiicdku ay ku haleeshay Suuqa degmadaasi gaar ahaan qeybta qaadka lagu iibiyo iyo Masjidka Marwaas ee degmadaasi X/weyne.

Waxaa xiligaasi kadib durbadiiba halkaasi soo gaaray islamarkaana dhaawacyadii daad gureeyay gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta kuwaasi oo dadkii ku dhaawacmay goobtaasi ula cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka degmada X/weyne ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in goobaha ay ku dhaceen Madaafiicdaasi ay tahay meelo aad u badan isagoo intaasi ku daray in duqeynta ay sidoo kale waxyeelo intaasi badan u geysatay dadka shacabka ah, waxaana degmada X/weyne mudooyinkii u dambeysay ay ka mid aheeyd degmooyinka Xasiloon ee dadku ay ku barakaceen.

Madaafiicda ayaa sidoo kale waxaa ay ku dhaxeysay xaafado ka mid ah degmada Hodon iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir halkaasi oo inta badan ay joogto ka noqdeen dagaalada iyo iska horimaadyada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Xoogaga hubaysan.

Dhanka kale waxaa xiisado dagaal saakay ilaa galabta laga dareemayaa inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo kan Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi dhaq dhaqdhaqaasyadooda si weyn looga dareemayo.

Inta badan madaafiicda ku dhacda gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sababtaa qasaarooyin aad u farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaara dadka rayidka ah, iyadoo dhinaca Madaafiicdaasi jahwareer galisa ganacisga iyo isusocodka dadka Maadaama suuqu uu yahay mid halbowle u ah ganacsiga qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Related posts:

  1. Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo galabta la isku weydaarsaday Xaafado ka mid ah Magaalada Mqudisho.
  2. Madaafiic sababtay dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo galabta ku dhacday Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
  3. Madaafiic dhimsho iyo dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah oo galabta ku dhacday Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
  4. Duqeyn Madaafiic ah oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah oo maanta ku dhacday Xaafado kuyaal degmada Howlwadag ee gobolka Banadir.
  5. Madaafiic ay dadi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo gelinkii dambe ee maanta lagu gaaraacay xaafado ku yaala Waqooyiga Muqdisho.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1843

Posted by on Apr 27 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com