Dagaal dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG geystayna dhimasho iyo dhaawac oo maanta mar kale ka dhacay Degmada Dharkeenley.
Bariisle:Thursday 29 April 2010(Muqdisho)Dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG geystayna dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta mar kale ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkani oo bilowday barqanimadii maanta islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay xaafado badan oo kamid ah degmada Dharkeenlay kuwaasi oo ay kamid yihiin Xaafada Macmacaanka, Tabakaayo Madow iyo Suuq Boocle oo dhamaantood kamid ah xaafadaha degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa inta la ogyahay waxaa ku qurbxay ilaa iyo 4-ruux oo 3-kamid ah ay ahaayeen Ciidamo karirsan dowaldda KMG ee Soomaaliya iyadoo dhaawacana uu sii caga cageenayo ilaa iyo 5-ruux oo rayid ah.
Wariye Madaxbanaan oo lagu magacaabo Sakariye kuna sugan degmada Dharkeenlay oo Shabelle ay qadka taleefoonka kula xiriirtay ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Dharkeenlay.
Inkastoo dagaaladani shalay iyo maanta ka dhacayay xaafado kamid ah degmada Dharkeenlay ay markoodii hore ka bilowdeen gacan ku haynta Bar Koontarool oo ku taala degmada Dharkeenlay ayaa sida wararku ay sheegayaan waxa ay haatan isu badaleen qaab qabiil iyadoona dadka ku dhaqan degmada Dharkeenlay ay walaac ka muujinayaan dagaalada ka soo cusboonaaday xaafadahooda.
Related posts:
- Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ku dhexmaray degmada X/jajab ee gobolka Banaadir.
- Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ku dhexmartay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
- Qaraxyo is xigxigey islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo askar ka tirsan dowladda KMG oo galabta ka dhacay degmada X/jajab.
- Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho xaafado ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex
- Qarax Qasaare nafeed geystay oo maanta Ciidamo ka tirsan dowladda KMG lagula eegtay degmada X/jajab iyo Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Qaraxaasi.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1877












