Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xarakada AL Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo maanta ka dhacay deegaan hoostaga degmada Guruceel.

Bariisle:Thursday 29 April 2010(GURICEEL )Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xarakada AL Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelbaxay oo hoostaga degmada Guruceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkani oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Ceelbaxay oo ku dhow deegaanka Goonlagoonle ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu ahaa mid  dhexmaray Ciidamada  Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa Culumaa’idiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa dadka deegaanku waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen rasaasta fud fudud iyo tan culus taasoo ay isku adeegsanayeen ciidamadii maanta halkaasi ku dagaalamay.

Dhinacyada halkaasi ku dagaalamay ee Al Shabaab iyo Ahlu Sunna ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya gacan ku heynta deegaanka lagu dagaalamay, waxaana saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo la soo xariirtay Idaacada Shabelle ay sheegeen in halkaasi ay gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan  Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ku suganyihiin dhamaan deegaanadii lagu dagaalamay Maanta ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Ceelbaxay ee gobolka Galgaduud ayaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay waxaana sidoo kale laga dareemayaa guud ahaan deegaanada ku dhow dhow Nawaaxiga Goonla Goonle saan saan colaadeed.

Dagaalkaani ayaa ku soo beegmay xili deegaanka Ceelbaxay oo qiyaastii 80 km u jira degmada Guriceel ay ka da’een roobabkii guga taasoo keentay in dad farabadan ay halkaasi gaaraan wallow maanta dadkaasi ay bilaabeen in ay ka barakacaan deegaanadooda.

Related posts:

  1. Qarax Qasaare nafeed geystay oo maanta Ciidamo ka tirsan dowladda KMG lagula eegtay degmada X/jajab iyo Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Qaraxaasi.
  2. Qarax waxyeelo u geystay Waaliga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo xalay ka dhacay degmadasi.
  3. Dagaal culus oo gabaldhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
  4. Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ciidamada dowladda Lagula eegtay Isgoysks Ex Contarol Afgooye iyo Xarakada Al Shabaab oo sheegtay.
  5. Dagaal dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG geystayna dhimasho iyo dhaawac oo maanta mar kale ka dhacay Degmada Dharkeenley.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1881

Posted by on Apr 29 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com