Madaxda ugu saraysa dowladda KMG oo uga mahadceliyay dowladda Jabuuti gacantii ay ka geysatay isku daygii lagu dhaxdhaxaadinayay Baarlamaanka Soomaaliya.
Bariisle:Friday 30 April 2010(Muqdisho)Madaxda ugu saraysa dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga mahadceliyeen dowladda Jabuuti gacantii ay ka geysatay isku daygii lagu dhaxdhaxaadinayay Baarlamaanka Soomaaliya.
Kadib kulan albaabada u xirnaa oo maanta xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay ku yeesheen 3-da Mas’uul ee ugu saraysa dowladda KMG Soomaaliya loogana hadlayay Qilaafaadka mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhax taagnaa qaar kamid ah Xubnaha Baarlamaanka iyo Gudoonka sare ee Baarlamaanka ayaa kulankaasi markii uu soo idlaaday waxa ay 3-daasi mas’uul si wada jir ah ay u soo saareen War mutiyeed uu Saxaafada u aqriyay Wasiirka War faafinta ee dowladda KMG Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe, iyo Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa War murtiyoodkooda waxaa mahad balaaran loogu soo jeediyay dowladda Jabuuti oo wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo arimaha Diinta uu ka joogo magaalada Muqdisho kuwaasi oo war mutiyeedka lagu sheegay in gacan weyn ay ka geysteen xalinta qilaafaadkii ka dhaxtaagnaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka War faafinta ee dowladda KMG Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele oo war murtiyeedka ka soo baxay 3-da Mas’uul Saxaafada u aqriyay ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta dowladda KMG ay amaaneen Madaxweynaha Jabuuti iyo Shacabka reer Jabuuti.
Wasiirka War faafinta ee dowladda KMG oo aqrinayay War murtiyaadkaasi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda dowladda KMG ay garwaaqsanyihiin sii socoshada qilaafka Baarlamaanka in aysan xamili Karin hay’adaha yaryar ee Dastuuriga ah ee dowladda KMG isagoo sidoo kale carabka ku dhuftay in aysan jirin wax qilaaf ah oo ka dhaxeeya Xubnaha ugu sareeya dowladda KMG una taaganyihiin in ay ka shaqeeyaana kana miro dhaliyaan mabaa’diidii iyo himilooyinkii loo soo dhisay dowladda KMG ee Soomaaliya.
Waxa uu intaasi sii raaciyay isagoo aqrinayay war murtiyeedka ka soo baxay Mas’uuliyiinta ugu saraysa dowladda KMG in lagama maarmaan ay tahay xoojinta wada shaqeynta Xukuumada KMG iyo Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in Mas’uuliyiinta ugu saraysa dowladda KMG ay isla garteen in Baarlamaanka uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah si uu uguto waajibaadka hor yaala.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo ifbaxayay qilaaf hareeyay Xubnaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya kaasi oo ay soo faro galiyeen Madax katirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti oo wafdi ka socda uu yimid magaalada Muqdisho, waxaana maalmo ka hor madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed uu sheegay in lagu guulaystay xalinta qilaafaadka soo kala dhaxgalay Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo Xubnaha Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Gudoonka Baarlamaanka ay Gaashaanka u daruureen warkaasi ka soo baxay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku aadanaa in la xaliyay qilaafka Baarlamaanka.
Related posts:
- Dowladda wadanka Jarmalka oo lacago ugu deeqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti kadib wadahadal dhexmaray Jabuuti iyo Jarmalka.
- Dowladda Jabuuti oo sheegtay in bisha soo socota ay Soomaaliya u soo direyso in ka badan 450 askari oo qeyb ka noqda ciidamada Midowga Africa.
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah kula yeeshay xafiiskiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Gudiga Maaliyada Baarlamaanka oo eedeeymo u jeediyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1895












