WFP oo sheegtay in aanay dib u bilaabi Karin gargaarkeedii Koofurta Soomaaliya inta ay wax iska badalayso xaalada Soomaaliya.

Bariisle:Firday 30 April 2010(NAIROBI)Hay’ada Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP aya waxa ay sheegtay in aanay dib u bilaabi Karin gargaarkeedii Koofurta Soomaaliya inta ay wax iska badalayso xaalada wadanka Soomaaliya.

Afhayeenka Hay’da Barnaamijka cuntada Aduunka Peter smardan ayaa mar uu xalay waraysi siinayay Idaacada Shabeelle isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xaruunta wadanka Kenya ka hadlay xaalada bani’aadannimo ee xiligan ka jirto dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa intaa sii raaciyay in dagaalada iyo rabshadaha hada ka jira Soomaaliya aysan awoodin in ay dib mar kale u bilaabaan howlahoodi ay cuntada ku gaarsiinayeen  ku dhowaad 1.5 Million oo qofood oo ku barakacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Labadii Bishii Maarso ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii xafiiska la socodka hay’adaha ee Xarkada Mujaadidiinta Al Shabaab ay ka mamnuuceen ha’yada WFP dhamaan howlihii ay ka waday gudaha wadanka Soomaaliya.

Related posts:

  1. Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay oo isku raacay in aan waxba laga qaban Karin arimaha Soomaaliya inta laga helayo heshiis wadareed ay galayaan dhinacyada Soomaalida.
  2. Qaramada Midoobay oo iska fogeysay eedeemo ay u soo jeedisay dowladda Mareykanka oo ku aadaneyd howlaha gar gaar ee ay ka wado gudaha Soomaaliya.
  3. AMISOM oo sheegtay in awood Milatari aan lagu xalin Karin dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.
  4. Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya oo sheegtay in ay ku guuleysatay sii deynta inta badan dadkii maalmihii la soo dhaafay ay xireen ciidamada dalka Kenya.
  5. Dowladda Turkiga oo qorsheynaysa Marti galinta shir Caalami ah oo looga doodayo Xaalada siyasaadeed iyo falalka kooxaha burcad badeednimada Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=1891

Posted by on Apr 30 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com