Dowladda Wadanka Giriiga ayaa mudo 15 maalin ah kadib waxaa ay sheegtay in ay siinayso sharci iyo Guryo ay degaan Qaxootiga Soomaaliyeed

Bariisle:Tuesday 11 May 2010(Athens)Dowladda Wadanka Giriiga ayaa mudo 15 maalin ah kadib waxaa ay sheegtay in ay siinayso sharci iyo Guryo ay degaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Giriiga kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ugu dhibaateysan wadamada Qaarada Yurub.

Wasiirka Jaaliyadaha iyo Maalgashiga dowladda kMG ee Soomaaliya C/laahi Axmed Cabdule Azhari oo la hadlayay Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in kulamo ay Maanta la qaateen Masuuliyiinta ugu sar sareysa Wasaarada arimaha dibada ee wadanka Giriiga kuwaasi oo uu sheegay in ay kala hadleen dhibaatada heysata Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan wadankaasi oo ay ka mid yihiin in Soomaalida ku nool wadankaasi aysan heysan sharci iyo Baasaboor, isagoo tilmaamay in dad kale oo ka soo jeeda wadamo kale oo Afrikaan ah ay qaataan sharciga Soomaalida iyagoo sheeganaya in ay ka soo jeedaan wadanka Soomaaliya taasoo keenta in dhibaatooyinka ay dadkaasi geystaan dusha loo saariyo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Giriiga.

Waxaa uu intaasi ku daray Wasiirku in Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Giriiga ay sidoo kale heystaan dhibaatooyin xagga hoy la’aanta iyo dhaqaale xumi, hase yeeshee waxaa uu tibaaxay in dowlada Giriiga ay ka codsadeen in arinkaasi ay wax ka qabato iyadoo dowlada Giriigana ay u balan qaaday Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan wadankaasi in mudo 15 maalin ah ay siin doonto sharci qaxootinimo.

Sidoo kale Ilyaas Cali Xasan oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee dalka Giriiga oo isna Shabelle la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan balan qaadka dowladda Giriiga ay u sameysay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Giriiga, isagoo tilmaamay in loo balan qaaday in labo isbuuc gudahooda sharci la siinayo iyo in wasaarada Caafimaadka ee wadanka Giriiga ay dib u dajin u  saameyneyso dadka Soomaaliyeed taasi oo ay u xilsaartay dowladda Giriiga.

Ugu dambeyntii wasiirka Jaaliyadaha iyo Maalgashiga dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadanka Giriiga ay yihiin Qaxootiga ugu daran ee Soomaalida ku sugan wadamo badan oo uu soo maray, waxaana uu ka codsaday Jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Giriiga kuwaasi oo uu Xaaladooda ka deyriyay

Related posts:

  1. Dowladda wadanka Jarmalka oo lacago ugu deeqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti kadib wadahadal dhexmaray Jabuuti iyo Jarmalka.
  2. Kulan looga hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Gariiga oo shalay Athens ku dhexmaray dowlada Giriiga iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.
  3. Dowladda Wadanka Yemen oo sheegtay in ku dhawaad labo boqol oo tahriibayal Soomaaliyeed ah ay saacadigii la soo dhaafay gaareen xeebaha Yemen.
  4. Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in dhigeeda Sacuudiga ay kala hadashay in dadka Soomaalida ah ee ka shaqeysta dalkaasi in la siiyo sharci ay ku joogaan dalkaasi
  5. Dowladda Kenya oo sheegtay in rabshadaha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin xaaladaha amaanka ee wadanka Kenya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2007

Posted by on May 11 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com