Yaan Codadkeenu Noqon hal bacaad lagu lisay‏{Gudoomiyaha Qurba Joogta Muse Dhariye Mudane:Rashid Abdullaah Gaas

Bariisle:Tuesday 11 May 2010(Sweden)waxaan halakan baaq iyo gubaabo ugu gudbinayaa dhamaan beesha reer sheekh muuse kuwa
qurbe jooga ah iyo kuwa jooga dalkiiba sidaan la wada socotaan waxa dhawaan la filayaa inay
qabsoomto doorashadii madaxtooyada somaliland bartamaha bisha lixaad 2010 hadaba waxaan
filayaa inaan maanat kuwa dibada jooga iyo kuwa dalkiiba jooga inay arintaas si hufan uga wada xidhiidhaan macnaheedu maa ah in la yarysto arintaas waxa loo baahan yahay in dadkena loo
jiheeyo meel wax ku ool u ah waxaan siada badan dhacada in dadkeenu aanay aqoonba u lahayan.codakan uu bixinayaa muxuu yahay waar codka la bixinayaa waxa weeyaan inad dorataan cidii wax idiin soo kordhinaysa waxaan leeyahay dhamaan wax garadka beesha muuse dhariyo ee ku sugan dalkii inay marka hore midoobaan yeeshaan hogaan midayasan isu tanaasulaan eegaan danta umadoodaa anay eegin danhooda gaarka ah waxaan si gaar ah ula hadalayaa dhamaan inta madax dhaqmeedka u ah beesha sidaan filaayo waxa hormood u ah umada masaakiinta ah ee ku sugan somaliland ina madax dhaqmeedka ah iyagaa ku xidhan dhanka dawlada waar niman yahow waxaan idinka codsanayaa si biniaadnimo ku dheehan tahay inaad illhay ka yaabataan umadan ugu jihaysaan meel wax u qabanaysa ma ah meel idinka wax idin qabanaysa illhay xilalkaad
sheeganaysaan waa idinkala xissbatamayaa waar is qabsada gacmaha danta umadan ka
hor mariya tiina aad gaarka u leedahiin waa iga dar daaran walaahi iilhay koreeye qalad kastood dadkaa aad hormoodka u tahiin waa idinkal xisaabtamayaa ciyaar ha u malynina waar nin kastoo ku dhawba illhay ayaa ina xisaabinaya inataynu ifka jognaanu wax isku nahaye aan umada  aan waxba ka ogayeen siyaasada iyo doorashadaba ee ku foofa danhooda gaarka ah u naxa oo wax wanaagasan u hor seega waad ogsoon tahiin inaan xisbiga hada talada hayaa aanu beesheena  marin waajibkeedi ay xaq u lahayeen waa jiraan xilal aynu beel ahaan ka ahayno somaliland
lakiin ma ah cadkeeni ee umada u raadiya cadkoodii xaq ahaa danaha gaarka ah iyo magca raadinta aan waxba kaa soo racaynin ha laga fogaado dantu waa see umadan u tageertaa xisbigii wax u qabani lahaa ee ka saari lahaa tacdiyada farha badanee loo gaysanaayo umadeena waxaan mar kasta hadalkaygu ku aaadan yahay waa reer muusaha jooga dalka gudihiisa somaliland  waxaan kaga baxayaa maqalakaygan ku aadan yaanu noqonin codakiinu
HAL BACAAD LAGU LISAY horuu u noqon jiray sidaa aan sheegaye waxaan ku war galinayaa dhamaan qurbe joogta beesha reer sheekh muuse dhariyo waajibku kuma koobana uun kuwa jooga dalkii ee idinkana xil ayaa si gaar ah idiinka saraan wax qabadka umadeena waxaan idin faryaa ninkastaa waa la xidhidhaa dadkiisi joogay somaliland inta hormoodka u ah ee uu la xidhhiidho ha gobaabiyo oo ha baraarujoyo  hana u sheego inaan codkiisu ku dhicin meel aan
waxba uga soo kordheeyan walaalyaal dadka dalkii jooga waxa uu ku dhismaa ama waxku noqon
karaa waa kuweena qurbe jooga ah umadaha kale ee qurbe joogta ahi dadkooda iyagaa halakan ka haga wax uuga qabta waar inataynu fadhiga ka kacano aaynu umadeen dhibataysan run iyo daacadnimo wax uugu qbano waxaan ka codsnayaa dhamaan qurbe joogta beesha muuse inaynu isku xidhnaano yeelano wada tashi joogta ah oo aan ku koobanyeen xiligan ay socdaan doorashooyinka ka dhici doona bartamaha bisha lixaad 2010 hadaba waxa waajibku yahay nin kastoo jooga dalka dibadiisii waa awoodaa inuu saacad kaliyaata ku soo gudbiyo fikirkiisa mar hadaynu nahay hormoodka umadeena illhay waa inagala xisaabtamayaa umadeena aynu aqoonta iyo fikirkaba dheernahay inaan ka hagrano inaan toosini kari wayo waa ciqaab ina wada sugaysee
alle ha loo noqdo umadana wax ha loo qabto wanan idin wada salaamayaa
wa bilaahi tawfiiq
GUDOOMIYAHA QURBE JOOGTA BEESHA REER SHEEKH MUUSE DHARIYO
MUDANE RASHIID CABDILAAHI GAAS
SWEDEN…………………………..email bawdadheere@hotmail.com

Related posts:

  1. Gudomiyaha Qurba Joogta Beesha Muse Dhariye{Mudane:Rashid Abdillahi Gaas}
  2. Shir Jaraa,id Oo uu Qabtay Gudoomiyaha Qurba Joogta Beesha Muse Dhariye{Mudane,Rashdiid Abdullahi Gaas}Sweden
  3. Gudoomiyaha Qurba Joogta Beesha Muse Dhariye{Mudane,Rashdiid Abdullahi Gaas}Oo shir Jaraa,id ku Qabtay wadanka Sweden
  4. Jaaliyada Qurba Joogta Gobooyaha Sweden TACSI U Diraya Qoyskii-Gudoomiyihii Qurba Joogta Muse Dhariye(MARXUUN-AXMEDNUR MAXAMED-DHINBIIL).
  5. Kud ka Guur oo Qanjo u Guur{Gudoomiyaha Qurba Joogta Gabooyaha Somaliland Mude Rashiid Abdullahi Gas}

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2017

Posted by on May 11 2010 Filed under MAQAALO, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com