Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho xaafado ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex
Bariisle:Wednesday 12 May 2010(Muqdisho)Dagaaladani oo ahaa kuwa aad u culus kana dhacay meelo kala duwan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta waxa ay ka bilowdeen xaafado ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamo katirsan kuwa dowlada KMG ee Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda.
Dagaalada ayaa waxaa markii danbe ay ku fideen deegaano dhowr ah oo ka tirsan aagaga ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM iyo xoogaga ka soo horjeeda.
Intii ay dagaalada socdeen ayaa waxa barbarsocday duqeymo culus oo saameen ku yeeshay deegaano kala duwan iyadoo duqaymahaasina ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Inta la ogyahay ilaa 5-ruux ayaa geeriyootay ku dhawaad 25-kalana way ku dhaawacmeen dagaaladii iyo duqeymihii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo ku dhawaad 20-kamid ah dadkii dhaawacmay iyo 3-Meyd ah ay qaadeen gaadiidka Ambalaasta sida uu Shabelle u sheegay Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka Ambalaasta.
Ku dhawaad 6-ruux oo ay ku jiraan Arday iyo Maclimiin ayaa ku dhaawacmay Madaafiic ku dhacday meelo kala duwan oo ay ku jiraan Xarumo Waxbarasho oo ku yaala xaafadaha degmada Hodan sida uu ku waramayo goob jooge goobtaasi ku sugnaa.
Meelaha Madaafiicdii cuslayd ay qasaaraha ka geysteen ayaa waxa kamid ah degmooyinka Yaaqshid, Wardhiiglay Dayniile, Hodan, Howlwadaag iyo meelo kale oo gabi ahaanba ay madaafiic culus ku dhaceen.
Dagaaladii iyo duqeymihii maanta dhacay ay saameyn xoogan waxa ay ku yeesheen dhaqdhaqaaqii Ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha oo kamid aheyd meelihii ay Madaafiicdu ku soo dhaceen iyadoo sidoo kalana ay dagaaladii maanta ku xirantay wadada kaliya ee isku xirta labada qaybood ee magaalada Muqdisho oo ah wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.
Related posts:
- Dagaalo iyo duqeymo culus oo galabta mar kale ka dhacay xaafado katirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
- Dagaalo iyo Duqeymo waxyeelo geystay oo Galabta ilaa iyo Caawa Fiidkii ka dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
- Madaafiic sababtay Dhimasho iyo dhaawac oo gabaldhicii maanta lagu garaacay xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
- Dagaal culus oo gabaldhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
- Madaafiic ay dadi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo gelinkii dambe ee maanta lagu gaaraacay xaafado ku yaala Waqooyiga Muqdisho.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2035












