Madaxweynaha Soomaaliya oo ka laabtay go’aankii uu xilka kaga qaaday Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Shamar’arke

Bariisle:Thursday 20 May 2010(Muqdisho)Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah ka laabtay go’aankii uu xilka kaga qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama’arke.

Wareegto kasoo baxday xafiis Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu ka laabtay go’aankaas, ayna Dowladda Soomaaliya sii wadato howsheeda, waxaana warkaas u akhriyay saxaafadda Madaxa wafaafinta Madaxtooyada C/kariin Khaliif Xaashi.

“Madaxweynuhu markuu dib u eegay go’aankii uu qaatay, lana tashaday xubno sharci-yaqaanno ah, wuxuu ogolaaday inay xukuumaddu howsheeda sii wadato” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada oo aqrinayay wareegtada Madaxweynaha.

Sidoo kale wareegtada waxaa lagu sheegay in Madaweynuhu uu eegay xaalka uu dalku marayo iyo inaysan sharci ahayn inuu xilka ka qaadi karo Ra’iisul wasaaraha, waxaana Madaxweynuhu uu Isniintii xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

Cumar C/rashiid oo isla maalintaas la hadlay saxaafadda ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aankaas, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay sii shaqeynayso, iyadoo maanta lagu arkayay Madaxtooyada dublamaasiyiin shisheeye ah oo cadaadis ku saaray Madaxweynaha inuu go’aankiisa ka laabto.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan uu soo saaray kaddib ka dhoofay gaaroonka diyaaradaha ee Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Turkiga si uga qaybgalo shirka looga hadlo arrimaha Somalia, wuxuuna sii marayaa Nairobi.

Related posts:

  1. Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo galabta saxaafada kula hadlayay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho
  2. Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah kula yeeshay xafiiskiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
  3. CUMAR C/RASHIID: “Madaxweyne Sheekh Shariif awood uma lahan inuu kala diro Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ridi kara oo keliya Baarlamaanka”
  4. Dibad bax Lagu taageerayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda dowlada KMG ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka Dhacay Mudug
  5. Madaxweynaha Uganda oo Muqdisho yimid kadibna ka laabtay.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2117

Posted by on May 20 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com