Dagaal culus oo gabaldhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bariisle:Saturday 22 May 2010(Muqdisho)Dagaal culus islamarkaana u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa gabaldhicii maanta waxa ay ka dhaceen xaafado kamid ah degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan iyadoona la sheegay in uu barbarsocday Madaafiic dhowr ah oo ku dhacayasay xaafado ka baxsan halka ay dirirtu ka socotay.

Lama oga ilaa iyo iminka qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Madaafiicdii iyo waliba dagaalkii isbarbarsocday ee gabaldhicii maanta ka dhacay xaafadaha degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

Hase ahaatee wararka aynu ka haleyno xaafadahaasi ayaa waxa ay tilmaamayaan in dagaalka uu ku faafay agagaaraha Isgoyska Jubba halkaasi oo la sheegay in ay isku horfadhiyaan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Ma jiro ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamay, balse dagaalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dagaalo labadii maalin ee ugu dambeeyay ka dhacayay xaafadaha degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir kuwaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah kuna dhaawacmeen kuwo kale.

Related posts:

  1. Dagaal culus oo saakay ka qarxay waqooyiga Magaalada Muqdisho
  2. Magaalada Muqdisho oo saakay mar kale dagaal iyo duqeyn ku waabariisatay.
  3. Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho xaafado ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex
  4. Dagaalo mar kale Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Shacabkii oo quus taagan.
  5. Dagaalo iyo duqeymo ay dadi ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawcmeen oo maanta mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2144

Posted by on May 22 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com