Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka KMG oo baaq u jeediyay Maamulka Somaliland.

Bariisle:Tuesday 25 May 2010(Muqdisho)Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay Ciidamadooda kala baxaan goboladaasi.

Kadib kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaano katirsan Basarlamaanka KMG ee Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay Maamulka Somaliland ku eedeeyeen in ay Ciidamadooda tacadi ka geysteen goboladaasi.

Xildhibaan Axmed C/laahi Saakin oo kamid ah Xildhibaanadii maanta kulankaasi ka qeybgalay ayaa waxa uu Saxaafada u sheegay in gobolada Sool iyo Sanaag ay Ciidamada Somaliland dhibaatooyin ugu geysteen dadka Shacabka ah, waxaana uu intaasi ku daray in wax walba oo ka dhacay goboladaasi ay Mas’uuliyadooda qaadayso Xukuumada Somaliland iyo sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

Sidoo kale Xildhibaan C/qaadir Daahir Muuse Ciiro oo isna kamid ahaa Xildhibaanadii maanta kulankaasi ka qeybgalay ayaa waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo Maamulka Somaliland in Ciidamadooda ay halkaasi kala baxaan isagoo sheegay in Maamulka Somaliland looga fadhiyo in ay magdhow ka bixiyaan dhibaatadii halkaasi ka dhacday iyo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay isagoo intaasi ku daray in hadii maamulka Somaliland aanu faraha kala bixin gobolada Sool iyo Sanaag uu dhibaato hor leh la kulmi doonaan.

Xildhibaanadan maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay kaga hadleen dagaal maalmo ka hor ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kaasi oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Ciidamada Ethiopia kaasi oo ay sheegeen in aad uga xunyihiin islamarkaana ay dowladda Ethiopia kala hadlayaan arimahaasi iyagoo intaasi raaciyay in dowladda Ethiopia qudheeda looga baahanyahay in ay magdhow ka bixiso dadkii ku geeryooday dagaalkii ka dhacay Buuhoodle.

Related posts:

  1. Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo u goostay Jabhadda SSC
  2. Kooxo hubaysan oo dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland
  3. Gudiga Maaliyada Baarlamaanka oo eedeeymo u jeediyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
  4. Faah faahin dheeri ah oo ka soo baxayso ciidamo shalay gaaray Somaliland.
  5. Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG oo dowladda KMG ku eedeeyay in sandkii la soo dhaafay aysan wax ka qaban Xaaladda dalka Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2176

Posted by on May 25 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com