Ururka Codka Haweenka Laga Tirada Badan yahay Ee VOSOMWO oo Tobabar uga Furmay Magaalada Berbera 30 Qof oo ka mid ah Beelaha la Heyb-sooco
Bariisle:Wednesday 26 May 2010(BERBERA)Ururka Codka Haweenka laga tirada badan yahay (Voice Of Somaliland Minority Women Organisation ) (VOSOMWO) ayaa shalay Siminaar ugu qabtay Magaalada Berbera xubno tiradoodu gaadhaysay 30 xubnood oo Ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada beelaha lahayb sooco ee ku dhaqan magaalada Berbera.
Siminaarkan ama tobabarkan ay soo qaban qaabiyeen ururka Vosomwo ayaa waxaa maalgalin ka gaystay ururka caalamiga ah ee loo soo gaabiyo NED, siminaarkan ayaa soconayey mudo halmalin ah islamarkana lagu baranayey sidii ay dadka la hayb-soocaa ay uga qaybqaadan lahaayeen doorashooyinka ku soo foolka leh isla markaana u siin lahaayeen codkooda kolba cidii ka fikiraysa danhooga iyo horumarinta beelaha la haybsooco.
Waxaa kale oo halkaas ku barteen duruus iyo fikradi iswaydaarsi laxidhiidha sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dadka lahayb sooco amaba laga tirada badan yahay doorasahada madaxtooyada soo scota kuna began lix iyo labaatanka bisha june ee sanadka
Shirkan ayey furitaankii hadal kooban kasoo jeedisy gudoomiyah ururka vosomwo Nimco iid salaan ayaa waxay sheegtay inay kaalin wayn kaqaatan iyagu urur ahaan arimaha u ololaynta caqabadaha iyo dhibaatooyinka marba soo waajaha dadkani iyadoo barnaamijkan sheegtay in ay ugu talo galeen in ay ka fuliyaan dhamaan gobolada Somaliland si ay u muujiyaan dadka lahayb-sooca codkooda iyagoo ka fikiraaya dadkooda iyo dalkoodba wax waxtar u ah.
Waxay ku dhiirigelisay marti sharafta kulanakaasi isugu timi inay sida ugu fiican ugaqaybqaatan islamarkana ay codkooda udhiibtaan xiliga doorashada una doortaan cida ay ku kalsoonyihiin una malaysaan inay dalka daacadnimo iyo sinaan ku hogaamin karata, Waxanay sheegatay inuu tababarkani yahay kii sadexdaad ee ay berbera kuqabtaan.
Ugu danbayntii Gud. Nimco u mahad naqday dadkii ka soo qaybgalay shirkaa iyo waliba haayada maalgalisay ee loo soo gaabiyo NED.
Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Aqoonyahan Jamac Ibraahim Xaashi kaasi oo ku dhiiri galiyey in dadka ka soo jeeda beelaha la hayb-soocaa codkooda siiyaan kolba ka ka fikira dantooda iyo horumarkooda isagoo intaasi ku daray in dadka lahayb-soocaa ay ku dadaalaan in ay caruurtooda geeyaan iskuulada si ayula tartamaan caruurta qayrkood ah isla markaana horumar u gaadhsiiyaan dadkooda iyo dalkoodba.
Iyaduna sidoo kale halkaasi waxa kahadashay marwo luul xasan mataan oo kasocotay Ururka ODHA ayaa balanqaaday inay dadkaasi uraadin doonan qalabaka farasamada gacanta oo ay iyagu badanaaba ku shaqeeyaan
Waxa iyaguna halkaasi fikradohoodo kazoo jeediyey odayaal kazoo jeeda beelahaasi
Oo sheegay inay kaalin mug leh kaqaadan doonan doorashada fooda anigu soo hayasa.
Related posts:
- Ururka Codka Haweenka laga Tirada Badan yahay ee{ VOSOMWO } oo 35 xubnood Tabara u Furmay Ku saabsan sidii ay Dar-dargalinlahaa ka Qeyb galka Siyaasada Talada Dalka
- Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Codka haweenka laga tirade badan yahay ee VOSOMWO isla markaana Maalgalisay hayada Caalamiga ah ee NED .
- Xuquuqda ka qayb galka Siyaasada ee beelaha la hayb sooco Waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka VOSOMWO
- Kulan Lagaga Hadlayey Sidii Dadka Laga Tirada Badan yahay uga Qaybqaadan Lahaayeen Siyaasadda Hoggaaminta Talada Dalka.
- Ururka Codka Haweenka”VOSOMWO”Ee U Dooda Xuquuqda Beelaha Gabooye Oo Siminaar Ku Qabtey Burco-Hotel Barwaaqo.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2181

































