Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Bariisle:Friday 28 May 2010(Muqdisho)Qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah ayaa xalay fiidkii waxaa qeybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho lagula eegtay Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.
Qaraxan oo abaaro 8-dii Fiidnimo ee xalay ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Mudisho ayaa waxa uu ahaa qarax sida la sheegay loo adeegsaday Miino la dhigay Wadada hareerteeda taasi oo lala eegtay gawaari kolonyo ah oo uu la socday Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.
Qaraxaasi ayaa waxa uu sababay geerida ilaa iyo 3-ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Caruur Walaalo ah oo uu gurigooda ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay iyadoo ay ku dhaawacantay Hooyadood halka ruuxa kale ee qaraxaasi ku geeriyoodayna uu ahaa nin Dukaanle ahaa oo firirka qaraxa uu ku haleelay gudaha dukaankiisa.
Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta laga dareemay xaalad jahwarer ah iyadoo in mudo ahna ay goobta xireen ciidamada dowladda oo rasaasna cirka u ridayay sida uu Shabelle u xaqiijiyay qof goob jooge ka ahaa goobta uu qaraxa ka dhacay.
Dhinaca kale Afyeenka Wasaarada Warfaafinta ee dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh C/risaaq Maxamed Qelow oo isna Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah islamarkaana aanay jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray Kolonyadii uu watay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indhacade inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxaasi ay waxyeelo kasoo gaartay mid kamid ah gaadiidkii lala eegtay.
Ilaa iyo hadda ma jito cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhawaqiisa si weyn looga maqlay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho.
Related posts:
- Qarax sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta Mas’uuliyiin katirsan Dowladda KMG lagula Eegtay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
- Qarax waxyeelo u geystay Waaliga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo xalay ka dhacay degmadasi.
- Qarax Qasaaro geystay oo galabta Ciidamo katirsan dowladda KMG lagula beegsaday degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
- Qarax xoogan oo Caawa ka dhacay xarunta ugu weyn ee Ciidmada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
- Iska hor imaad Khasaaro geystay una dhaxeeyay dhinacyada isaga soo horjeeda Muqdisho iyo Qarax xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2193












